“Sidii Keli-taliyeyaasha in Somaliland Digreeto Madaxweyne lagu maamulo ayaa la doonayaa, waa sharci-darro ..” Xil. Siciid Warsame

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo si adag u cambaareeyey qaabka Shirkadda Sahal lagu siiyey Qandaraaska Diiwaangelinta Madaniga ah oo ay ku tilmaameen musuqmaasuq iyo suuq-madoow oo Xukuumaddu wadato in lagu bixiyey

Hargeysa(Aftahannews):- Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa dhalliilay qaabka loo bixiyey Qandaraaska Diiwaangelinta Madaniga ah ee la filayo in dhawaan lagu diiwaangelin doono Muwaaddiniinta reer Somaliland, taasoo la siiyey Shirkad waddani ah oo lagu magacaabo Sahal Tech oo ay ku eedeeyeen inay Xukuumaddo wadato, isla markaana qaab sharci-darro, musuqmaasuq iyo suuq madoow ah in lagu siiyey Qandaraaska Shirkaddaas oo aan khibraddeeda iyo waxay soo qabatay toona la garan Karin oo ay sheegeen in hadda uun la curiyey.

Shirkaddan Sahal Technolagy la yidhaahdo ee la sheegay inay dhawaan ku guulaysatay Qandaraaska hirgelinta Diiwaangelinta Madaniga ah, waxa sidoo kale hore u dhalliilay Masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, inkasta oo uu Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranku eedayntaas ku tilmaamay waxba kama jiraan, kuna dooday inay nidaam sharci ah shirkadda Sahal oo Waddani ahi ku heshay qandaraaskaas oo uu sheegay inay aqoon iyo xirfad soo bandhigay, buuxisayna shuruudaha ay u baahnaayeen.

Hase-yeeshee, Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale iyo Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil oo labadooduba maanta Shir Jaraa’id si wada-jir ah ugu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay shirkaddaasi tahay mid sharci-darro iyo musuqmaasuq lugu siiyey Qandaraaska, isla markaana ay Xukuumaddu doonayso inay sharciga dalka u yaal ka tallaabsato oo Digreeto Madaxweyne dalka lagu maamulo sidii waddamada Keli-taliyeyaasha oo kale sida ay hadalka u dhigeen.

Haddaba, Xildhibaan Siciid Warsame iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Tukaale oo arrinta Shirkaddan Qandaraaska Diiwaangelinta Madaniga ah la siiyey iyo qaabka loo siiyay si adag uga hadlayo ka daawo Muuqaalkan hoose ee Warkooda.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.