Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka deyriyey amnigooda oo uu sheegay inay AMISOM diidday ilaalintiisa

Muqdisho(Aftahannews):- Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Soomaaliya Garsoore sare Caydiid Cabdillaahi Ilka-Xanaf, ayaa shaaca ka qaaday Ciidammada nabad-ilaalinta Midawga Afrika (AMISOM) ee ku sugan dalka Soomaaliya inay diideen ilaalinta Ammaanka Masuuliyiinta iyo Xarumaha Hay’adaha Garsoorka ee ay wakhtigan ku shaqeeyaan.

CAYDIID CABDILLAAHI ILKA-XANAF AFTAHANNEWS

Caydiid Ilko-xanaf oo Warbaahinta Afka Soomaaliga ku hadasha qaarkeed u warramay, ayaa sheegay in ilaalo la’aanta Hay’adaha Garsoorka Soomaaliya haysataa ay keentay in lagu dilo Muqdisho Garsoorayaal badan, isagoo intaas ku daray in Xarunta ugu weyn ee Garsoorku ku shaqeeyo ay ilaaliyaan Ciidammo ka tirsan Ciidammada dawladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Caydiid Cabdillaahi Ilka-xanaf oo arrintaas ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Garsoorku wuxuu ka mid yahay saddexda Hay’adood ee dalka ugu sarreysa, mana ilaaliso AMISOM, markaannu u sheegnay inay Xarunta Maxkamadaha oo ah halka garsoorku xilligan ku shaqeeyo ay ilaaliyaan-na si cad ayay u diideeen.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Federaalkka Soomaaliya, ayaa sheegay in marka u doonayo in uu howl ama shir qabto uu meelo kale ku qabsado nabadgalyo la’aan awgeed. Waxaanu intaas ku daray inaanu jirin hal Garsoore oo ilaalo haysta, taasoo ah midda keentay in dadka hawlaha Garsoorka ka shaqeeya la laayo.

Mar uu ka hadlayay Dacwado la xidhiidha dadka loo haysto inay ka tirsan yihiin Kooxda Al-shabaab, waxa uu sheegay inay amni la’aan awgeed ay u qaadi waayeen Dawadahaas oo kale, balse ay qaaddo Maxkamadda Ciidammada qalabka sidda, waxa uu yidhi; “Amni la’aan ayay Maxakmadaha kale ee caadiga ahi u qaadi waayeen Dacwadaha la xidhiidha Al-shabaabnimada, Budhcad-badeednimada iyo Siyaasadda, waayo? Iyagoo aan kuwaas qaadin ayaaba Garsoorayaasha la laynayaa hadda, haddii ay qaadaan maxaa dhici kara? Wax intaa ka sii badan.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Caydiid Cabdillaahi Ilka-Xanaf waxa uu sheegay in Garsoorayaasha Maxkamaduhu ay guryahooda sida Shacabka oo kale u tagaan, isla markaana ay ka soo shaqo-tagaan iyaga oo aan haysan wax ilaalo ah iyo ciidan nabadgelyadooda suga toona, taasoo uu xusay in dedaal badan ay ku bixiyeen sidii wax looga beddeli lahaa, balse aanay weli ku guuleysan inay helaan Ciidan si gaar ah u ilaaliya nabadgelyada Garsoorayaasha.

Waxa uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee waddanka Soomaaliya Garsoore Sare Ilka-xanaf sheegay in ay Ciidanka AMISOM ilaaliyaan xarumaha labada Hay’adood ee kale Fulinta iyo Sharci-dejinta oo kala ah Baarlamaanka iyo Xukuumadda, balse ay diideen inay ilaaliyaan xarunta Hay’adaha Garsoorku ku shaqeeyo, taasna ay dib-u-eegis weyn ku sameyn doonaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.