Qaramada Midoobay oo Puntland ka caawinaysa la-dagaallanka Budhcad-badeedda iyo Xabsiyada

Garoowe(Aftahannews):- Madaxwaynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe kulan kula yeeshay Masuuliyiin ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan la-dagaallanka Budhcad-badeedda iyo nabadgelyada Badaha ee UNODC.

GAAS IYO UN

1 2 22 GAAS IYO UN

 

Xubnahan uu Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland ku qaabbilay Madaxtooyada Garoowe ee uu maanta kula la yeeshay ayaa ahaa Xidhiidhiyaha Barnaamijka la-dagaallanka Dembiyada ka  dhaca Badaha Geeska Afrika iyo Badweynta Hindiya Alan Cole iyo Ku-Xigeenka Barnaamijka UNODC ee Soomaaliya Francesco Caonero .

Kullankaan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Maamulka iyo saraakiisha Puntland, kaasoo lagaga wadahadlay qodobo ay ka mid ahaayen Taageeridda Maamulka, hore u  socodsiinta Xabsiga Garoowe, Dhismaha Xabsiga Gaalkacyo iyo Dayac-tirka Xabsiga weyn ee Boosaaso (Old Prison) iyo tabobbar siinta Ciidanka Maamulka Puntland.

Dr Cabdiwali Gaas, ayaa dhankiisa u sharxay saraakiishaasi in Maamulka Puntland ay u baahantahay in laga gacansiiyo howlahaasi oo idil si ay horumar uga samayso halka ay hada joogto.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.