Weerarrada Israa’iil ku hayso Qasa oo sii socda, 17,000 oo qaxay & warrarkii u dambeeyey

Qasa(Aftahannews):- Ciidammada Millateriga ah ee dawladda Israa’iil, ayaa weli wada duqaymaha Diyaaradaha iyo Gantaalaha ay ku duqaynayaan Marinka Qasa ee dhulka Falastiiniyiinta, kuwaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo reer Falastiin ah.

FALASTIINIYIIN QAXOONTIYA

Weerarrada Duqaymaha ah ee ay Isra’el sii waddo ee Qasa ayaa galay  maalintii toddobaad, inkastoo ay jiraan cadaadis caalami oo kordhaya. Sawaariiqda Israel lagu soo ridayo ee ka imaanaysa Qaza ayaa wali socda iyaguna. Israel ayaa sheegatay inay soo ridday diyaarad aan qofna wadin oo Xamas ay hawlgalisay iyadoo dul-maraysa Ashdod.

Sawaariiqda ayaa sidoo kale laga soo riday Labnaan iyo Suuriya, Israelna waxay ku jawaabtay artilari. Falastiiniyiinta, ayaa sheegay in tiro ka badan boqol iyo toddobaatan qof oo Shacab u badani ay ku dhinteen, halka dad laba kun oo ruux ku dhawi ay ku dhaawacmeen.

Dawladda Israel, ayaa sheegtay inay samaysay wax walba oo awoodeeda ah inay yarayso qasaaraha rayidka, laakiin ay go’aan ku gaadhtay inay joojiso weerarka lagu haayo dadkeeda.

Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay toddobo iyo toban kun oo qof inay ka qaxeen guryohoodii, isla markaana ay u qaxeen iskuuladoodii ka dib markii Israel ay ku amartay inay ka baxaan guryahooda oo ku yaalla Waqooyiga magaalada Qaza.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.