Faysal C. Waraabe oo Sheegay dalka ay u dhasheen 2 ka tirsan 3 qof oo ay Somaliland ku Wareejisay Jabuuti oo uu taageeray dhiibistooda

“Aniga ujeeddadaydu maaha inaan kursi fuulo, waxa weeye…..Intaan noolahay-na ka bixi maayo Siyaasadda illaa aan fikradahayga hirgeliyo…”

“Daar-taydii u dambaysay (ee Muqdisho) maalin dhawayd baan iibiyey..Ninka ku yidhaahda Faysal Soomaaliya ayuu u socdaa waa nin aan caqli lahayn, Somaliland-ba anigay igu dhisan tahay, hadday Somaliland socon weydana waan la dhammaanayaa (Finish-finish) baan ahay…” Waraysi Xiiso badan Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe

Washington(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa shaaca ka qaaday in saddexda qof ee ay dawladda Somaliland ku wareejisay dhigeeda Jamhuuriyadda Jabuuti aanay dhammaantood ahayn dad reer Somaliland ah, balse laba qof ay yihiin dad u dhashay waddanka Soomaaliya, halka ka saddexaad u dhashay Somaliland. Isaga oo Xukuumadda ku taageeray dhiibista ay u dhiibtay Jabuuti.

Faysal Cali Waraabe oo buriyey War Siyaasad-baradka UCID kaga hadleen Odayaasha Soomaaliya

Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay inaanu weligii inta uu nool yahay ka bixi doonin Saaxadda Siyaasadda Somaliland illaa uu fuliyo ujeeddada iyo fikirka Siyaasadeed ee uu qabo oo uu ku sheegay inuu yahay horumarinta iyo hirgelinta Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu sheegay inay dawladaha Somaliland iyo Jabuuti in uu ka dhexeeyo heshiiska ah inay dadka dembiyada ka gala ay isu gudbin karaan, taasna uu taageersan yahay, tahayna mid adduunka oo dhan ka dhacda.

Waxa kale oo uu Guddoomiyaha UCID sheegay inuu isu arko in Somaliland isaga ku dhisan tahay, isla markaana aanay waxba ka jirin su’aal la weydiiyey oo la xidhiidhay in haddii looga yeedho dhinaca dawladda Soomaaliya uu tegi lahaa Faysal ahaan, balse waxa uu ku dooday inuu Somaliland la dhammaanayo xataa haddii ay socon waydo, Gurigiisii ugu dambeeyey ee uu Muqdisho ku lahaana uu dhawaan iibiyey. Sidoo kale, Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu beeniyey warar sheegaya in khilaaf ka dhexeeyo isaga iyo Musharraxa Madaxweynaha UCID u taagan Jamaal Cali Xuseen, waxaanu xusay inaanay jirin maal ay maanta isaga dhaw yihiin isaga iyo Jamaal.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo Waraysigii ugu xiisaha badnaa ee lala yeesho uu la yeeshay Weriye ka tirsan Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA oo uu ku booqday xarunteeda magaalada Washington ee waddanka Maraykanka oo uu dhawaan socdaal shaqo ku tegay, waxa uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo aad u xiiso badan iyo qodobbo xaqiiqda Siyaasadeed ee jirta hadday tahay Soomaaliya iyo hadday Somaliland tahay-ba waafaqsan. Waraysigaas dhinacyada badan taabanaya ee Faysal Cali Waraabe VOA la yeelatay oo lagu soo qaatay Barnaamijka Martida Mikirifoonka ee Idaacaddaas ka baxa, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose.

Guddoomiyaha UCID oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey ujeeddada socdaalkiisa Maraykan, inay Xukuumaddu dirtay iyo in uu iskii u socdo maaddaama oo uu la kulmayo Masuuliyiin Maraykanka ka tirsan waxa uu ku jawaabay; “Waxaan halkan (Maraykan) u imi inaan la kulmo Waaxda dawladda, waad ogtahayoo beryahan Somaliland buuq baa ka dhex-taagan qolada reer Garoowe, markaa arrimahaas ayaan doonayey wixii aannu ka qabno Somaliland ahaan iyo Xisbi ahaan-ba inaannu wadaagno (ka wadahadalno) Masuuliyiinta dawladda Maraykanka. Kol haddii arrin Qaran ay tahay Mucaarid iyo Muxaafid ma kala nihin ee isku cod baannu nahay dawlad iyo Mucaarad ma kala nihin ee Somaliland baannu nahay.”

Faysal Cali Waraabe oo la weydiiyey waxay is-waydaarsadeen Masuuliyiinta Maraykanka ee ay kulmeen, waxa uu yidhi; “Waxaannu is-weydaarsannay inay Somaliland u baahan tahay inay Xuduudeheeda oo dhan gaadhsiiso Maamulkeeda, iyaguna ay gacan ka geystaan, meelahan Tuulooyinka yar-yar ee Shirarka iyo waxaa lagu qabanayana dhaqaalahayaga ayaa noo saamixi waayey baan ku idhi inaannu Maamul ahaan wada gaadhno, sidaa daraaddeen in dhaqaale nala siiyo.” Waxaanu Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha UCID waxa uu sheegay inaanay xaaladdu ahayn sida ay Warbaahinta guduhu u buun-buuniyeen inay is-dilayaan Somaliland iyo Maamulka Garoowe. “Waxaan u sheegnay inaan sida Warbaahinta guduhu u buunbuunisay wax u jirin ee aannaan ahayn dad dagaallamaya ee aannu nahay dad nabad samaystay, xuduudkooduna ahayn mid lagu murmi karo ee uu Xadku calaamadsan yahay, waxaannu u gaadhi kari waynay wakhti horena ay tahay dhaqaale-darro, ee waa waannu gaadhaynaa xadkayaga oo Maamulka ayaannu gaadhsiinaynaa waa inaad dhaqaale nagu taageertaan baannu ku dhini, waan is-fahannay.” Waxaanu u soo jeediyey Siyaasiyiinta Deegaannada Bariga Somaliland inaanay dhiigga dadkooda Xilal kaga doonan Soomaaliya ee ay kala shaqeeyaan dadkooda iyo dalkooda Somaliland inay si fiican Somaliland wax ula qabsadaan.

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ay sidii caadiga ahayd ka leexisay dawladda Turkiga, waxaanu Faysal oo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyey sababta ay Xisbiyada WADDANI iyo UCID ugu baaqayaan inay dawladda Somaliland ka baxdo wadahadalka ay kula jirto Soomaaliya waxa uu yidhi; “Waxa weeye Somaliland iyo Soomaaliya wadahadalladoodu way leexdeen, Turkiga ayaa leexiyey, Turkigu dhexda ayuu kaga soo booday ee dalalkii bilaabay muu ahayn ee waddamada reer Galbeedka ayaa bilaabay, wixii lagu heshiiyey qaarkood lama fulin, dawladda Soomaaliya dawlad midaysan maaha waa 4.5, waa qabaa’il kala aragti ah.”

Waxa uu Guddoomiyaha UCID oo jawaabta uu su’aashaa ka bixiyey sii wataa yidhi; “Wixii ka dambeeyey kulankii labaad ee Turkiga dawladda Somaliland siyaasad midaysan oo ay la tageen nooma sheegayaan, wax cad maaha, heshiiskii hawada Soomaaliya way laashay, iyadoo Somaliland warar qaldan caalamka looga gudbiyey oo ay dayacday inay Soomaaliya ku mashquulsanaato maaha, Soomaaliya waa Meyd, Meyd in la sii dul-fadhiyana maaha, ee waa inaan Somaliland ahaan ku dedaalnaa xidhiidhka kale ee caalamka.”

Faysal Cali Waraabe oo la weydiiyey in wadahadallada aanay Mucaarad ahaan door ku lahayn oo ay Xukuumaddu isku koobtay, markaa waa maxay sababta aad uga hadlaysaan ee aad leedihiin hallaga baxo? Waxaanu ku jawaabay oo uu sheegay inaanay wax natiijo ah yeelan Karin waxaan Somaliland u midaysnayn Mucaarid, Muxaafid, dawlad iyo shicib. Sidoo kale, waxa uu dhalliilay heshiisyada Sahaminta iyo Qodista Shidaalka ee ay Xukuumadda Somaliland la gashay Shirkadaha caalamiga ah oo uu sheegay inaan Baarlamaanka la hor-keenin heshiisyadaas, isla markaana aan Mucaarad ahaan lagala tashan, taasna ay ku canaanteen Masuuliyiinta Waaxda arrimaha dibedda Afrika ee Maraykanka oo uu kula kulmay Washington.

Sidoo kale, Guddoomiyaha UCID oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey saddex qof oo reer Somaliland ah oo ay dawladda Somaliland ku wareejisay dawladda Jabuuti sida ay u arko Faysal ahaan waxa uu yidhi; “Horta, waxa weeeye, hadday labada waddan ka dhexeeyo heshsiis caynkaas ah inay isu gudbiyaan adduunka oo dhan way ka dhacdaa, mar haddaanay intay Jabuuti soo orodday qaadan ee ay dawladda soo waydiisatay, maaddaama oo ay labada dawladood heshiis ku yihiin waan ku raacsanahay, iyaguba hore way noogu soo gudibyeen, Itoobiya way noo soo gudbisay mid waliba dhaawac ah.”

Waxa Faysal Cali Waraabe la sii weydiiyey sida uu qorayo Dastuurka Somaliland qodobkiisa 35-aad inaan Muwaaddin reer Somaliland ah waddan kale loo gudbin, markaa go’aankan iyo qodobkaasi siday isu qabanayaan? Waxaanu ku jawaabay; “Dee horta qaarkood maba aha reer Somaliland..” Guddoomiyaha UCID oo la sii weydiiyey xogta ay ka hayaan dadkaas iyo cidda ay yihiin, waxa uu yidhi; “Soomaaliya ayay qaar ka yimaaddeen, Somaliland ayay degganaayeen, waxaannu haynaa Raggii fududeeyey inay yihiin Qaraxii Jabuuti oo ay reer Soomaaliya yihiin, midbaa reer Somaliland ah, waxaanan filayaa inuu yahay Somalilander Baasaaboor Ajaanib ah haysta, waanay ahayd in Sharciga lagu dabbaqo, arrintanina aniga way iga dambaysay.”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo wax laga weydiiyey arrimaha doorashooyinka soo socda ee la filayo inay 2015-ka ka qabsoomaan Somaliland, waxa uu sheegay inay rejo fiican ku qabaan inay doorashooyinku qabsoomaan wakhtigooda, isla markaana la kala qaada doorashada Madaxtooyada iyo doorashada Baarlamaanka, isagoo ku dooday inaanay Somaliland awoodin in la mideeyo ama mar la wada qabto doorashooyinka.

Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka jawaabayey Su’aal laga weydiiyey khilaaf la sheegay inuu u dhexeeyo isaga iyo Musharraxa Jagada Madaxweynaha UCID Jamaal Cali Xuseen, khilaafkaas oo Weriyaha waraysanayey Faysal taabtay in la sheegay inay Faysal iyo Jamaal khilaafkoodu gaadhay heer ay ku kala kacaan kulan ay magaalada Dubai ku yeesheen, ayaa ku dooday inaanay waxba ka jirin warkaas, isla markaana aanu khilaaf u dhexayn isaga iyo Jamaal.

“Waxa weeye laba qof maaha ee Xisbigu Siyaasad buu leeyahay, Aniga iyo Jamaalna isku aragti baannu ka nahay Xisbiga oo dhan arrimahan aan ka hadlayo ee ah in labada doorasho la kala qaado, teebaa la soo horraysiiinayaa, in diiwaangelin doorashada lagu galo isku aragti baannu ka nahay. Waxaasina waa dacaayad la wado, Xisbiguna waxaannu doonaynaa inuu doorkan soo baxo Insha Allaahu wuu soo baxayaa, illaa hadda annagu Musharrax baannu leenahay, cid kale afkayga lagama maqal, Aniga iyo Jamaal waxaannu ku kala kacnay iyo khilaaf noo dhexeeyaana ma jiro, maanta maalin aannu isaga dhawnahay Jamaal-na ma jirto.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo su’aashaa kor ku xusan ka jawaabayey.

Waxaana sidoo kale, wax laga weydiiyey Khilaafkii Siyaasiga ahaa ee Xisbiga KULMIYE dhawaan kala qaybiyey, waxaanu sheegay in Xisbi kasta ay tahay wax caadi ah in dhex-diisa lagu tartamo, la isku qabsado oo damaca iyo hanka lagu murmo, hase-yeeshee, ay habboon tahay in wax lagu heshiiyo, taasina ay heshiis iyo is-faham ka gaadheen KULMIYE oo Muuse Biixi Musharraxnimada uga tanaasulay Madaxweyne Siilaanyo,  inay la soo afjaro khilaafkaas oo la isu-tanaasulaana ay guul u tahay Xisbiga KULMIYE ee talada dalka Soamaliland haya.

Waxa Faysal Cali Waraabe la weydiiyey himiladiisa siyaasadeed waxa ay yihiin waxa uu ku jawaabay; “Aniga ujeeddadaydu maaha inaan kursi fuulo, uujeeddaydu waxa weeye in fikradaha aan qabo ee aan Somaliland ku hormarinayaa inay hirgelaan, doorkanna waa doorkayagii ee markaannu helno waad arki doontaa siday Somaliland u raysan doonto. Intaan noolahay-na ka bixi maayo Siyaasadda illaa aan fikradahayga hirgeliyo.”

Gebo-gabadii Waraysigaas waxa Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal la weydiiyey inay dadka qaar leeyihiin haddii uu Faysal Cali Waraabe fursad ka helo dhinaca dawladda Soomaaliya ee Muqdisho ka dhisan inuu tegi lahaa waxa uu yidhi; “Maaniga?!!! Aniga ma waxaad I moodaysaan Ragga qaarkood aan tilmaamay, yaa immika iga hor-jooga?” Laakiin, haddii immika laguu yeedho ma tegaysaa Soomaaliya? “Oo Maxaan ka doonayaa? Daartaydii ugu dambaysay maalin dhawayto ayaan iibiyey, ninka ku yidhaahda Faysal Soomaaliya ayuu u socdaa waa nin aan caqli lahayn, Somaliland-ba anigay igu dhisan tahay, hadday Somaliland socon weydana waan la dhammaanayaa (Finish-finish) baan ahay.”

Xigasho Wargeyska Himilo.