Xulka Jarmalka oo hantiyey guusha Ciyaaraha Koobka Adduunka iyo guul-darrada Lionel Messi

Rio De Janeiro(Aftahannews):- Xulka Qaranka Germany, ayaa guulaystay, isla markaana loo caleemo saaray Xulka Qaranka ee Aduunka, kadib markii ay Xulka Argentina 1-0 (hal gool iyo eber) kaga qaadeen koobka Tartanka Ciyaaraha Adduunka oo caawa lagu soo gabo-gabeeyey Ciyaarta labadaas Xul dhex-martay oo ka dhacday garoonka Maracana ee Caasimadda dalka Brazil ee Rio De Janeiro.

article-2690667-1F9F480A00000578-259_964x414

Germany v Argentina: 2014 FIFA World Cup Brazil Final

Ciyaar aad u adag oo ahayd tii u dambeysay tartanka kooba aduunka oo mudo soddon cisho ah ka socday wadanka Brazil oo Argentina iyo Germalka ku dhex martay garoonka Maracana Stadium ayaa 90 kii daqiiqo ee ciyaarta loogu tallo gallay, la isla dhaafi waayay barbar dhac 0-0 ah , xulna aanay u suurto gallin inay wax gool ah la yimaadaan.

Soddonkii daqiiqo ee lagu darayna qaybtii koobaad ku dhamaatay waxba la’aan, laakiin aakhirkii xulka Germany  uu ku guulaystay sidaasna ku qaaday biladii loo tartamayay ee koobka Adduunka.

article-2690694-1F9F603A00000578-361_964x480Gool uu shabaqa dhigay Xidiga Mario Goetze oo ciyaarta bedel ku soo gallay ayaa ugu filaaday Germany inay ku guulaystaan koobka aduunka, iyaguna ku dabaal degaan Maraca.

Waa markii afraad ee Jarmalku ku guulaysto Koobka Adduunka, inkasta oo saddexda jeer ee caawa ka horreeyey ay ahayd intii Jarmalku kala qaybsanaa, isla markaana ay ku guulaysteen Xulka Jarmalka Galbeed.

Ciyaaryahanka la hollin waayey ee Xulka Argentina Lionel Messi, ayaa inkasta oo uu dedaal badan muujiyey, haddana caawa guul-darro kala carraabay garoonka Kubbadda Cagta Maracana ee Caasimadda dalka Brazil ee Rio De Janeiro oo lagu soo gebo-gabeeyey Ciyaarta kama-dambaysta ahayd ee Adduunka sannadka 2014-ka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.