Nin Toorey ku Hubaysan oo Masaajid gudihii ku dhaawacay 4 Qof oo Mu’addinkii ku jiro & Masuul ka hadlay

Hargeysa(Aftahannews):- Afar Qof ayaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen weerar Nin Toorey ku hubaysan shalay ku qaaday masaajid ku yaala xaafadda Sayladda ee degmadda Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa.

Ninka weerarka geystay oo la sheegay inuu Maskaxkada ka xannuunsanayo, ayaa weerarkan geystay gelinkii dambe ee shalay xilli ay dadku ka soo dareereen Salaadda Casar, waxaanu dadka ku dhaawacay gudaha iyo bannaanka masaajidka, waxaana afarta qof ku jira Mu’addinka Masaajidka oo uu gudaha masaajidka ugu tagay isla markaana dhaawaca ugu geystay.

Hargeisa cityNinka weerarka fuliyey oo ka tirsanaan jiray Culimada Tabliiqa ee Dacwadda Diinta faafiya, ayaa la sheegay in muddo laba todobaad ah gurigooda loogu hayey xannuunka dhimirka oo ku dhacay, sida uu noo xaqiijiyey Guddoomiyaha degmada Maxamuud Haybe oo xalay Wargeyska Himilo xalay khadka telefonka kul xidhiidhay.

Dadka dhaawacyadu soo gaadheen oo aanay noo suurto-galin inaanu hello magacyadooda oo dhammeystiran, ayaa dhaawacyadooda wakhtigan lagu dawaynayaa cusbitaalka Guud ee Hargeysa, ka dib markii ay goobta gaadheen ciidamada booliska oo gacanta ku dhigay Ninka falka geystay oo la sheegay inuu deggen yahay xaafadda masaajidku ku yaalo.

“Ninka falka geystay wuxuu ahaa nin waalan oo immika ilaa laba todobaad ayaa gurigooda lagu hayey, sida lanoo sheegay markii dambe. Waxa lanoo sheegay inuu raaci jiray qolada Tabliiqa, isagiina waa la hayaan,” sidaas waxa yidhi Guddoomiye Yuusuf Colaad Seed oo aanu xalay wax ka weydiinnay dhacdadan.

Guddoomiyaha oo aanu weydiinno sida ay wax u dhaceen iyo in Ninka Falka geystay ka mid ahaa dadkii ku tukanayey masaajidka, waxa uu ku jawaabay, “Markii naloo sheegay ee aanu goobta gaadhnay, waxaanu ugu tagnay dadkii dhaawac ahaa oo la qaaday. Laakiin sida la noo sheegay, markii salaadda Cashar laga soo baxayey, ayuu masaajidka soo galay oo uu dadka ku dhaawacay, dadka qaarkoodna bannaan masaajidka ayuuba ku dhaawacay.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in aanu falkani wax xidhiidh ah la ahayn khilaafaad Diimeed iyo Aano cid u dhaxaysa balse uu ku kooban yahay ninka weerarka geystay. “Laakiin, markii aanu baadhnay, may ahayn arrin wax kale ku shuqul leh, hadday tahay xagga Diimaha iyo hadday tahay Aano toona, sidaan kuu sheegayna waxa geystay nin aan xiskiisu dhammayn,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Ninka falkan geystay oo markiiba ciidamada Bileysku gacanta ku dhigeen, ayaa wakhtigan lagu hayaa Saldhigga Booliska ee Qudhac-dheer.

In kasta oo guddoomiyaha degmada Maxamuud Haybe sheegay inaanu falkani ahayn mid xidhiidh la leh Arrimo Diimeed, haddana falkani maaha kii ugu noociisa ee ka dhaca magaalada Hargeysa, waxaana ka horeeyey weerar sidan oo kale Nin Toorey ku hubaysani nin kale qudha kaga jaray masaajid ku yaala xaafadda Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa.

Xigasho Wargeyska Himilo.