Jaamacad Muqdisho ku taalla oo markii u horreysay Meydad ka soo raranaysa dalka Kenya

Nairobi(Aftahannewws):- Jaamacad ku taalla magaalada Muqdisho, ayaa markii ugu horreysay ugu yaraan illaa shan Meyd ka soo qaadanaysa waddanka Kenya, ka dib markii is-faham lagu soo gebo-gabeeyey heshiis muddo sannad ah qaatay oo ay Jaamacadda Muqdisho ku doonayso Meydad ay wax ku barto Ardayda Kulliyadda Caafimaadka ee Jamacaddaas ka barta qaybaha Caafimaadka ee Qalliinnadu ka mid yihiin.

Sida uu BBC-da u xaqiijiyey Guddoomiyaha Jaamacaddaasi saaka, waxa uu sheegay inay illaa shan Meyd Axadda Berri ka soo raran doonaan Jaamacad ku taalla magaalada Nairobi ee waddanka Kenya, ka dib markii loo baahday in Meydad ay ku tabobbartaan Ardayda Jaamacaddaas Muqdisho ka barata qaybaha qalliinka ee Caafimaadka.

Waxa uu sheegay inuu Heshiiskaasi qaatay muddo sannad ah oo uu soo socday, isla markaana hadda is-afgarad lagu gaadhay in Meydadkaas ay soo rararto Jaamacadda Muqdisho, kaasoo uu sheegay inuu wax ka kaabi doono aqoonta Caafimaad ee Ardayda.

Masuulkan Jaamacadda Muqdisho u hadlay, waxa uu sheegay in sababta loogu baahday in Meydad ay ka soo rartaan Kenya ay tahay maaddaama oo aanay Diinta Islaamku oggolayn in Meydka Qofka Islaamka ah dhimashadiisa ka dib la sii haysan karo ama uu sii oolli karo, inay muddo ka fikirayeen sidii ay Ardayda ugu heli lahaayeen waxay aqoontooda ku kaabaan, taasna ay hadda ku guulaysteen.

Warkaas oo faahfaahsan waxaannu idiinku soo gudbin doonnaa wararkayaga Aftahannewws aannu idiinku soo gudbin doonno saacada soo socda haddii ILLAAHAY yidhaahdo INSHA ALLAAH.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.