Xukuumadda Siilaanyo oo Aqbashay Baaqyo Mucaaridku u jeediyeen, kana dalbatay inay taageeraan

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee gacanta ku haysa talada dalka Somaliland, ayaa aqbashay Baaq ay Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI u jeediyeen, isla markaana ka dalbatay inay taageeraan oo ay Garab-istaagaan Xukuumadda.

ucidwadani-logo

WASIIR MAXAMUUD XAASHI CABDI AFTAHANNEWS

Baaqa ay labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI u jeediyeen Xukuumadda, ayaa la xidhiidhay Maamulka Hawada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ay Hawada Somaliland-na qayb ka tahay oo ay dawladda Federaalku sheegtay inay Hawada oo hal mid ah kala wareegayso Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Hawada ee ICAO oo labaatankii sano ee u dambeeyey gacanta ku haysay, taasoo ay Mucaaridku dalbadeen inay Xukuumaddu caddayso mawqifkeeda ku aaddan.

Xukuumaddu iyadoo Baaqyada iyo dhalliilaha ay Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka ahi ugu jeediyeen arrintaas ka jawaabaysa, ayay shaaca ka qaadday inaanay marnaba Somaliland aqbali doonin in Hawadeeda laga maamulo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Waddanka Soomaaliya oo ay Xukuumadda Federaalku shaacisay in halkaas laga maamuli doono Hawada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ay ku jirto Hawada Somaliland oo 23 sano gooni uga taagnayd Soomaalida kale.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Soomaaliya sheegay inay muddo laba bilood gudohood ah kula wareegi doonaan Maamulka Hawada oo uu xusay inay heshiis sidaas ku gaadheen Hay’adda ICAO ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Hawada oo 20-kii sano ee u dambeeyey gacanta ku haysay Maamulka Hawada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya ka dib.

Haddaba, Baaqyada iyo soo-jeedimaha is-daba-joogga ah ee Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ka soo yeedhayey labadii toddobaad ee u dambeeyey oo ahaa laba qodob oo kala ah inay Xukuumaddu caddayso mawqifkeeda hawada Maamulkeeda Soomaaliya la wareegayso ay ka taagan tahay iyo inay ka baxdo wadahadallada u socday Somaliland iyo Soomaaliya maaddaama oo sida ay ku doodeen jebisay Soomaaliya qodobka qudha ee heshiiska lagu ahaa ee la xidhiidhay Maamulka Hawada in la wada doonto.

Waxaanu Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka jawaabayey Baaqyadaas mar uu Jimcihii shalay Shir Jaraa’id ku qabtay garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, ayuu sheegay in haddii ay Soomaaliya ka noqon wayday go’aanka ay sheegtay inay kula wareegayso Maamulka Hawada keligeed ay saamayn doonto tallaabadaasi wadahadallada labada dhinac u soday labadii sano ee ugu dambeeyey.

“Arrintaasi waa nasiib-darro, waa Ummadda Muslimka ah ama Ummaduhuba hadday wax ku heshiiyaan way dhawraan, laakiin haddii arrintaasi ay Xukuumadda Soonmaaliya sidaa ku waddo, go’aankeeda iyo guddoonkeeduna uu sidaa yahay waxay albaabbada u xidhaysaa oo ay soo oodi doontaa wadahalladii socday, micno ay ku fadhiyaan wadahadallo ay sii wadaan Somaliland iyo Soomaaliyana ma jirto, mar haddii qodobkii keli ahaa ee la isku afgartayna ay ka baxeen, wax loo sii wadaana ma jirto wadahadallada, ujeeddada wadahadalkuna wuxuu ahaa in lagu daweeyo muranka iyo khilaafaadka inna dhex yaalla.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi.

Mar uu Wasiir Maxamuud Xaashi ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey eedaymaha iyo dhalliilaha kale ee ay Siyaasiyiinta Muucaaridku arrintaa Maamulka Hawada ugu jeediyeen Xukuumadda, gaar ahaan isaga oo ah Wasiirka Duulista, waxa uu yidhi; “Raggaasi waa rag aan xog-ogaal ahayn, Xuusho ma nihin dhagaxa labaad ku war-hesha, israaca Hawadu wuu soo socday, marba ammin buu marayey.”

Waxaanu Wasiir Xaashi oo hadalkiisa sii watay intaas ku ladhay oo yidhi; “Waxaas oo ku talo-gal ah haddaannaan xog-ogaal u ahayn oo tallaabada ay qaadaanba aannaan teeda dhigayn oo kaadhkay dhigaan-ba aannaan mid kaga xoog badan dhinaca kale dhigayn halkan lama joogeen, beri hore ayaa hawada la innaga qaadi lahaa, Qaranka Somaliland baa guulaystay, dhammaanteen baa wada guulaysannay, xaqeennaa la qaadi kari waayey,  maantana cidi qaadi kari mayso.”

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu sheegay in marka dagaal lagu jiro ay habboon tahay inay Mucaaridku taageeraan Xukuumadda, waxaanu yidhi; “Markaa, Raggaasi waa xog-ogaal maaha, annagaa xog-ogaal ah oo hawsha fulinta gacanta ku hayna, waxay meelahaa ka maqlaan ayuun bay maqleen, in Shacbiga la bajiyo oo la niyad-jebiyana maaha. Marka dagaal lagu jirana waxa weeye Masuuliyiinta Mucaaridku inay na garab-galaan oo ay na taageeraan oo ay bardaamiyaan dagaalka.”

Hadalkan Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, jeediyey, ayaa u muuqda mid ay soo dedejiyeen Baaqyada iyo Dhalliilaha ay Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ugu jeediyeen Xukuumadda, gaar ahaan Wasiirka oo ah Masuulka hawshaa Qaranka Somaliland ugu qaabbilsan Xukuumadda, isla markaana waxa uu u muuqdaa inuu qaab ka duwan qaababkii hore oo deggan oo taxaddir badani ka muuqdo uga jawaabay hadallada ay u jeedinayeen maalmihii u dambaysay Xisbiyadu Xukuumadda uu ka tirsan yahay iyo Wasiirka laftiisa-ba iyo weliba inuu qaatay Soojeedimaha Asxaabta Mucaaradka ah qaarkood ee ah in ka bixitaanka Heshiiska hawadu Saameeyo sii socoshada wadahadallada.

Inkasta oo aanu Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis oo hawsha wadahahdalka Soomaaliya uga masuul ah Somaliland weli ka hadal sida arrinta Hawadu u saamayn karto socoshada wadahadallada labada dhinac, haddana hadalka Wasiir Xaashi waxa loo qaadan karaa inuu hordhac u yahay Mawqifka Xukuumadda.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.