Eng. Faysal Cali Waraabe oo si diirran loogu soo dhaweeyey London iyo ujeeddada Socdaalkiisa Britain

London(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo socdaal shaqo ku tegay Waddanka Ingiriiska, ayaa shalay si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada London ee xarunta dalkaas, halkaas oo ay ku qaabbileen Masuuliyiinta iyo Taageerayaasha Xisbiga ee London.

ENG FAYSAL CALI WARAABE

Taageerayaal tiro badan oo ay hareero socdeen Masuuliyiinta Xisbiga UCID ee dalka Britain, ayaa si diirran u soo dhaweeyey Guddoomiyaha Xisbigaas Md. Faysal Cali Waraabe, kuwaasoo kaga hortegay Guddoomiyohooda garoonka diyaaradaha Hidro ee magaalada London oo uu kaga digay Diyaaradda.

Ka dib soodhawaynta diirran ee lagu qaabbilay Guddoomiyaha UCID, waxa loo sameeyay Casuumad Casho-sharaf ah oo ay ka qaybgaleen dhammaan Madaxda Xisbiga UCID ee dalkaas oo uu ka mid ahaa Xuseen Bisad oo ah Guddoomiyaha UCID ee dalka Ingiriiska iyo sidoo kale Masuuliyiin iyo Taageerayaal.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo halkaasi hadal ka jeediyay, ayaa uga mahad-celiyay Taageerayaasha iyo Masuuliyiinta kala duwan ee UCID ee sida diirran ugu soo dhaweeyey magaalada London ee waddanka Ingiriiska, isagoo xusay inuu aad ugu faraxsan yahay soodhawaynta qiimaha leh ee lagu qaabbilay.

“Aad iyo aad baan idiinka mahad celinayaa a sooman sida aydun isku soo xilqaanteen ee aad ii soo dhawayseen, waana mid idinka iyo anigaba ii sharaf ah maadaama aynu dad isku mabda’a ah nahay, waanan idiin mahad celinayaa intiinan halkan fadhida iyo inta guryahoodii tagtayba.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe soo dhawayntiisa ka dib.

Sidoo kale, Guddoomiyaha UCID, ayaa Taageereyaasha iyo Masuuliyiintii soo dhaweeyey u jeediyay hadallo guubaabo ah, waxaanu sheegay in ujeeddada uu dalka UK u yimid tahay sidii hawlaha Xisbiga loo dardar-gelin lahaa ama loo sii laban-laabi lahaa danta guud ee bulshada, isla markaana waxa uu ka hadlay xaaladda Siyaasadeed ee uu dalka Somaliland wakhtigan marayo oo uu sheegay inay u baahan tahay badbaadin.

Guddoomiyaha UCID ee dalka UK Xuseen Maxamuud Bisad, oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa si aad ah ugu mahad celiyay taageerayaasha xisbiga UCID ee UK ee ka qyb qaatay soo dhaweynta balaadhan ee ay u sameeyeen Guddoomiyahooda.

Gunaanadkii Xafladdaas Casho-sharafta ahayd waxaa iyaguna hadallo ka jeediyay qaar ka mid ah Madaxda Xisbiga UCID ee dalka Ingiriiska, kuwaasoo ka warramay hawlaha Xisbiga iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in hore loo sii wado arrimaha Siyaasadeed ee Xisbiga gudo iyo dibed-ba.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.