Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Soomaaliya oo go’aanno soo saaray, Ganacsatadana Baaq u diray

Muqdisho(Aftahannews):- Taliska Ciidammada Nabadgelyada Waddooyinka dawladda Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay Baaq u diray Ganacsatada Soomaaliyeed ee Baabuurta iibiya, isla markaana waxay soo saareen go’aanno ka dhan ah Gaadiidka aan wadan Buuga Mulkiyadda ama Lahaanshaha Gaadhiga iyo Kala-wareejinta Gawaadhida lagu kala iibsado gudaha dalka.

CIIDANKA ILAALINTA NABADGELYADA WADDOOYIINKA MUQDISHO

TALIYE CALI GAAB AFTAHANNEWS

Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka gobolka Benaadir Jeneraal Cali Xirsi Barre (Cali-gaab) oo la hadlay Warbaahinta dawladda Soomaaliya maanta, ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee la soo degaya gaadiidka kala duwan ugu baaqay in ay sameystaan buuga lahaanshiyaha gaadiidka, si loo ogaado cidda gaadiidka iska leh, waxaana uu intaa ku daray in ay meesha ka saari doonto is qab qabsiga xagga gaadiidka.

“Buugaan cagaraan ee ay dowladdu sameysay waxaa dhici kara in taargada uu goostay uusan ku dhejin gaariga, buugaan waxaa loogu talagalay in marka baabuurka lakala gato in lagu kala wareego, laakiin inta badan waxaa dhacda dadka gaadiidka gadanaya in aysan warqadaha cadeeynaya aysan geynin diiwaanka Wasaaradda gaadiidka, taasi oo keeni karta in lagugu qabsado gaadiidka aad gadatay, marka waxaan leeyahay qofkasta ha iska hubiyo gaariga uu gadanayo in uu kuugu wareejiyay baabuurka cagaarka” ayuu yiir Taliye Cali Gaab.

Jeneraal Cali Xirsi Barre ayaa tilmaamay in gaadiidka shilalka galay iyo wadayaasha gaadiidka ee leysimadooda yaala xarunta Taliska Taraafida in ay soo doontaan, waxaana uu intaa ku daray in aysan ogolaan doonin wadayaasha ka dhacsan leysimada inay magaalada Baabuur ku dhex wataan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa Bartilmaameedkeeda ku dartay Ciidammada Nabadgelyada Waddooyinka Soomaaliya ee Taraafikada loo yaqaanno, iyaga oo Kooxdaasi intii la galay Bishan Barakaysan ee Ramadaan Muqdisho kaga dilay Shan Askari oo Taraafikada ka tirsanaa, iyagoo aanay awalkii hore ku jirin Ciidanka nabadgelyada waddooyinku bartilmaameedka Al-Shabaab, balse ay hadda ku dareen dhinacyada ay weeraraan.

Taraafikada oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya, ayaan iyagu ka mid ahayn ama ka tirsanayn Ciidammada Hubaysan ee dawladda, basle hubkoodu yahay Siidhiga ay afuufaan iyo Usha u gaarka ah ee Iftiinta oo ay ku kala hagaan Gaadiidka ama Baabuurto oo waajibkooda koowaad yahay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.