Midawga Yurub oo 3.8 Milyan ku bixiyey Badbaadinta Carruurta Soomaaliya oo UN-ku ka dayriyey

Hargeysa(Aftahannews):- Ururka Midowga Yurub waaxdiisa Bani’aadami-nimada iyo dhawridda Shacabka ee ECHO, ayaa ku bixisay lacag dhan $3.8 Milyan Doollar si looga hortago heerka dhimashada Carruurta Soomaaliyeed ee ay sababaan nafaqo-darrada iyo Shubanka haleela iyo waliba macaluusha.

MIDAWGA YURUB

Deeqdan lacageed ayaa lagu wareejiyay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF si ay ugu fuliso howshan, waxaana tani ay imaanaysaa iyadoo horay ay hay’addu uga digtay khataro nafaqo-darro ah oo haysta carruurta Somalia.

“Soomaaliya waxaa haysata mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadamnimo ee caalamka ugu xun. Xaaladda nafaqo-darridu sare ayay u sii kacaysaa, taasoo saamaynaysa carruurta aadka u da’yar. Waa waajib, haddaanu nahay deeq-bixiyaha inaan sida ugu dhaqsiyaha badan gacan u siino dadka ugu nugul sida caruurta.” Sidaa waxa yidhi Madaxa Waaxda Binaadaminnimada iyo Dhawridda Shacabka u qaabbilsan Midawga Yurub ee ECHO ee Soomaaliya Mira Gratier.

Hay’adda UNICEF, ayaa Carruurta da’doodu ka yar tahay shanta sano iyo dadka ay saameynta adag ku yeesheen xaaladda nafaqo-darrida ah kaalmeyn doonta, iyadoo ku iib doonta lacagta deeqda ah ee Midowga Yurub cunnada nafaqeysan ee diyaarka ah; taasoo lagu quudin doono 20,000 oo carruur ah oo xaalado nafaqo-darro ay haystaan.

Sidoo kale, waxa lacagtaasi ay kor u qaadi doontaa helitaanka cuntada iyo agabyada kale ee muhiimka ah, si caruurta aadka u daran dhaqso loogu caawiyo, gaar ahaan kuwa nool deegaannada ay biyo la’aanta iyo abaaruhu ka jiraan.

Wakiilka Hay’adda Carruurta Adduunka ee UNICEF u qaabbilsan Soomaaliya Sikander Khan, ayaa Lacagtan lagu wareejiyey isaguna ka hadlay, waxaanu yidh; “Bixinta adeegga nafta badbaadinta ah, gaar ahaan carruurta da’doodu shan sano ka yar tahay wuxuu aasaas u ahaan doonaa gurmadka deg-degga ah ee UNICEF ay bixinayso, taasoo kaalin weyn ka ciyaari doontaa badbaadinta nolasha kumannaan caruuur Soomaliyeed ah.”

Waxay tallaabadan Midawga Yurub ugu gargaarayo Carruurta Soomaalida ahi ay ku soo begantay iyadoo Hay’adaha Qaramada Midoobay ay soo saarayeen dhawaan Warbixinno ay kaga digayaan, isla markaana kaga dayrinayaan inay ka dalka Soomaaliya bilaabanto Macaluul la mid ah tii ka dhacday sannadkii 2011-kii oo ahayd tii ugu darnayd ee Soomaaliya soo food-saarta.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.