Madaxweyne Kenyatta: Qareennada u doodaya oo dalbaday in laga joojiyo Dacwadda kaga socota Huge

Huge(Aftahannews):- Qareennada Difaacaya Madaxweynaha Waddanka Kenya oo Dacad dembiyo dagaal iyo tallaabooyin xuquuqada Aadamaha ka dhan ah oo uu ku eedaysan yahay inuu ku kacay kaga socoto Maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee Huge (ICC), ayaa dalbaday in la joojiyo Dacwaddaas.

Inter-faith prayers ceremony for Westgate shopping mall victims

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa dacwadda kaga socota Huge waxay la xidhiidhaa eedaymo loogu jeediyey inuu Masuul si weyn ugu lug le ahaa Xasuuqii ka dhacay waddanka Kenya dhammaadkii 2007 illaa bilawgii 2008, kaasoo ka dhashay natiijadii doorashada Madaxtinnimada wakhtigaas oo ay Mucaaridka iyo dawladdu isku qabsadeen, isla markaana sababtay inay ku dhintaan dad ka badan kun qof, kumannaan kalena ku baro-kacaan.

“Waxaan gaadhnay heer aanay jirin wax caddeymo ah oo ku filan Dacwadda loo haysto Madaxeyne Kenyatta. Sidaa darteed, waxaan ka codsanayaa Maxkamadda ICC in ay joojiso Dacwaddan oo dhan.” Sidaa waxa yidhi Steven Kay oo ah Qareenka u doodaya Madaxweyne Kenyatta, isagoo hadalkan sheegay wakhti uu ku sugnaa xarunta Maxakamadda ee ku taalla ee Magaalada The Hague ee waddanka Netherland.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa loo haystaa dacwad la xiriirta kaalintiisii ay ku lahaayeen rabshadihii dadka badani ku dhinteen ee ka dhashay doorashdii madaxnimo ee dalka Kenya ka dhacday sannadkii 2007-kii.

Garsoorayaasha Maxkamadda ICC ayaa kulan ay Arbacadii ku yeesheen The Hague waxay kaga hadleen dib u dhaca ku yimid maxkamadeynta Kenyatta oo dhowr jeer dib u dhacday, balse waxay go’aamiyeen inay billaabanayso 07-da bisha Oktoobar ee sannadkan aynu ku jirno, taasoo marar hore dib loogu dhigay.

Qareennada u doodaya Uhuru Kenyatta ayaa dhowr jeer oo hore weydiistay in dacwadda ka dhanka ah madaxweynaha Kenya la joojiiyo, balse maxkamaddu way diiday, iyadoo ku adkeysatay inay sii socon doonto maxkamadeyntiisa.

Dib u dhicii ugu dambeeyay ee ku yimid maxkamadeynta Kenyatta ayaa ka dhalatay kaddib markii ay garsoorayaashu dalbadeen in waqti dheeraad ah ay u helaan warbixinno la xiriira dacwadda Kenyatta loo haysto. Waxayna ku dhaqaaqeen inay xisaabiyaan hantida uu leeyahay; sida shirkadda, lacagaha u yaalla bankiyada, dhulka uu leeyahay iyo waxyaabo kale oo fara badan.

Benjamin Gumpert oo ka mid ah Xeer-ilaaliyeyaasha Maxkamadda ICC ayaa ka sheegay kulanka in guddiga baarista aysan helin xogihii loo baahnaa sida cadadka lacagaha bankiyada u yaalla Kenyatta.

Qareenka guud ee Kenya, Githu Muigai ayaa difaacay xukuumadda isagoo sheegay in si daacadnimo ah loo gudbiyay dhammaan dukumiintiyadii laga dalbay inay dowladdu soo gudbiso. Fergal Gaynor oo ah qareen wakiilka ka ah dhibanayaashii ku waxyeelloobay rabshadihii Kenya ka dhacay ayaa ku eedeeyay xukuumadda inay si ula kac ah u carqaladeynayso dacwadda ka dhanka ah Kenyatta.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.