“Waxaan ahay Dr Zakir Naik-ka Somaliland …!” Imaam Hargeysaawi

QORAA SICIID MAXAMUUD GAHAYR

“Madaxweynaha Waxan Ku Bogaadinayaa Dhismaha Golaha Culimada, Ragga U Taaganna Waan Ka Mid Ahay” Siciid Maxamuud Gahayr…

siciid-maxamuud-gahayr-a11

Bayaan: 11ka Julaay, 2014

Ugu horreyn waxa aan jecelahay in aan hambalyo iyo bogaadin u diro guud ahaan ummadda Islaamka ah meel kasta oo ay joogaan, Eebbena waxa aan ka baryayaa in uu inaga aqbalo khayrka iyo samaha aynu ku hawlannahay bishan barakaysan ee Ramadaan.

Mar labaadka waxa aan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamuud (Siilaanyo) oo khudbaddiisii 18ka Mey ee gu’gan ku xusay in salka loo dhigi doono Golaha Culimada  oo ka mid noqon doona halbawleyaasha dawladda Somaliland.

Walaw ay bulshadaydu igu maamuusto mansabyo ay ka mid yihiin hal-abuur, bare, qoraa iyo cilmi-baadhe, waxa aan ka mid ahay dadka aqoonta fiican u leh dhaqanka, diinta islaamka, maamulka iyo maaraynta, xallinta khilaafaadka iyo arrimaha bulshada. Maanta oo ay taariikhdu tahay 11ka Julaay, 2014 waxa aan si rasmi ah u caddaynayaa in aan ka mid ahay waddaadda leh hanka iyo himilada ah in ay ka mid noqdaan Golaha Culimada Somaliland.

Haddii ay jiraan kooxo diineed oo ku abtirsada magacyo ay ka mid yihiin Islaax, Ictisaam, Dammu jadiid, qaaddiriya, Selefi, Tabliiqi iyo kuwo kale, waxa aan si toos ah u bayaaminayaa in aanan ka tirsanayn midkoodna! Waxa aan dhammaantood ugu baaqayaa in ay meesha ka saaraan kooxaysiga iyo qaybinta ummadda muslimiinta ah. Waxa uu Nebi Maxamed (NNKH) geeriyooday iyada oo ummaddu mid tahay, sidaas darteed ayaanan u jeclayn in aan ku abtirsado wax ka sokeeya islaamnimo.

Ugu dambayntii aniga oo arrinkan ka sameeyay wadatashi badan, waxa aan aan taageero ka sugayaa dhammaan madaxda iyo shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan. Waxa aan kalsooni buuxda ku qabaa in ahmiyad la siin doono dhambaalkayga, aniga oo ah Dr Xakir Naik-ka Somaliland”

Allaa Mahad Leh

Imaam Siciid Maxamuud Gahayr

Hargeysa, Somaliland

Cambaarayn: Warsaxaafadeedkii Xoghayaha Warfaafinta ee UCID