Doodda Mooshin ka dhan ah Raysal-wasaaha oo maanta bilaabantay iyo Saaciid oo loo diiday inuu Baarlamaanka iska hor-difaaco

Muqdisho(Aftahannews):- Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa diiday maanta inuu hadal u jeediyo Ra’iisul-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo ay Mudanayaashu ka doodayaan Mooshin ka dhan ah, waxaana diidmadaa ka dhashay buuq iyo sawaxan xooggan.

Kulankii_Baarlamaanka_ee_Maanta_4

Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya ayaa doonayay inuu Xildhibaannada Baarlamaanka u jeediyo hadal uu ku difaacayo Xukuumaddiisa oo mooshin kalsoonida lagagala noqonayaa uu horyaallo Golaha Shacabka, balse Xildhibaannada waxay ku gacan-saydheen inuu la hadlo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo fadhiga Baarlamaanka ee maanta guddoominayey, ayaa ka dalbaday Xildhibaannada inay cod u qaadaan in Ra’iisal-wasaaruhu uu hadal u jeediyo iyo in kale. Waxaana inta badan Xildhibaannadu ay isku raaceen in aanu hadal u jeedin, taasoo keentay inuu baaqdo hadal uu doonayay Ra’iisul-wasaaruhu in hadal uu ka hor-jeediyo Baarlamaanka.

Intaas ka dib waxaa billaabantay doodda mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Saacid iyo Xukuumaddiisa, iyadoo dhowr Xildhibaan oo ka mid ah kuwii Sabtidii shalay is-qoray ay fadhiga maanta dooddooda ka dhiibteen.

Doodda Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa weli socota iyadoo illaa iyo hadda ay hadleen in ka badan 35-Xildhibaan, waxaana lagu wadaa sida guddoonka ay sheegeen in doodda lasoo gaba-gabeeyo maalinta Isniin ah ee maanta, ka dibna Xukuumadda loo qaado codka kal-soonida.

Mooshinka laga keenay Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa saxiixay 168 Xildhibaan oo ay intooda badan ku sugnaayeen kulanka maanta, kuwaasoo sheegay in Xukuumaddu ay ku fashilantay inay wax ka qabato arrimo badan oo uu ka mid yahay ammaanka.

Inkastoo Ra’iisul-wasaare Saacid uu sheegay in khilaafka isaga Madaxweyne Xasan Sheekh u dhexeeya uu yahay mid Dastuuri ah uuna ku kalsoon yahay in dastuurka lagu kala baxo, iyadoo Xildhibaanno ka hadlay kulanka ay sheegeen in Ra’iisul-wasaaruhu uu xaq u leeyahya inuu ka hor-hadlo Baarlamaanka, balse go’aanka ay Xildhibaannadu leeyihiin.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.