Wasiir Waran-cadde oo Shirka Xisbiyada Mucaaridka ku tilmaamay mid dhagaraysan

Gabiley(Aftahannews):- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa Shirka Dood Qaran ee ay Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID qaban-qaabadiisa wadaan ku tilmaamay inuu ka mid yahay Shirar dhagaraysan oo uu xusay in la soo maleegay sida uu hadalka u dhigay.

Warancadde

Sidoo kale, Wasiir Waran-cadde waxa uu sheegay in shirarka dhagaraysan ee miinaysani ay horumarkaas ka soo horjeedaan, isagoo u jeeda shirka qaran ee Xisbiyada Mucaaridku ku baaqeen. Sidaana wuxuu ka sheegay Wasiir Warancadde maruu shalay ka hadlaayay munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay Jaamacadda Timacadde ee Magaaladda Gabilay, xafladaas oo uu ka qayb-galay Madaxweynaha Somaliland kuna qalin jabinayeen dufcadii koobaad ee Jamacadaas ka baxa. Ugu horeyn Mud: Cali Maxamed Warancadde oo arrintaas ka hadlaaya ayaa yidhi.

Wasiir Waran-cadde oo hadalkiisa sii wataa waxa yidhi; “Waddankeena  22-sanno ee ugu danbeeyay, waxaynu  soo wadnay horumar marba heer gaadhsiisan, waxaa cajiib ah oo adduunka layaab  ku ah, in horumarkaas aanay cid inaga caawisay jirin, inagoo hadda isku qaadnay oo higsanayna wadooyinkii dalka ugu dhaa-dheera ee dawladaha Shiinaha iyo caalmaka laga codsan jiray inay dhisaan, inaynu inagu u badheedhno oo dhisano, oo maanta wadooyinka dalka isku xidhaaya ee Burco iyo Ceerigaabo, Sallaxlay, Wajaale, Boorame iyo Dilla aynu dhisanayno.”

“Waxay taasi keenaysaa hadaynu nabadeena iyo wadajirkeena ilaashano, inaynu gaadhno himalada waddankeena oo ah aqoonsi buuxa, waxaad arki doontaan adduunka oo halkeena inoogu yimaada inagoo aan u yeedhay. Laakiin Walaalayaal Shirarka Dhagaraysan ee Miinaysan ee laynoo soo waariday waxay dib inoogu celinayaan wixii aynu ka soo gudbnay, waa inaynu meel uga soo wada jeednaa.” sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.