Burco(Aftahannews):- Shir-wayne lagaga hadlayo nabadda iyo horumarka oo ay isugu yimaaddeen Masuuliyiinta iyo Madax-dhaqameedka Lix gobol oo Somaliland ka tirsan, ayaa maanta ka furmay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kaasoo uu furay Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde.
Shirkaas oo ay ka qaybgaleen Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo isagu shirka furay, Masuuliyiin ka socday Akaademiga nabadda iyo horumarinta, Guddoomiyeyaasha lix gobol iyo Madax-dhaqameedka gobolladaas, ayaa lagu falan-qayn doonaa muhiimadda nabadda iyo horumarku leeyihiin iyo sida loo abuuri karo, isla markaana loo ilaalin karo horumarka iyo nabadgelyada.
Haddaba, Shirkaasi sidii uu u furmay iyo hadalladii laga yidhi ka daawo Muuqaalkan hoose.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.