Xisbiga WADDANI oo is-barbar-dhig ku sameeyey heshiisyada Khayraadka caalamka iyo Somaliland

Filed under: Wararka |

Hargeysa(Aftahannews):- Guddiga Khayraadeka dabiiciga ah ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa soo saaray Warbixin ay isku barbar-dhigayaan noocyada Heshiisyada ku saabsan noocyada Macdanta iyo Saliidda ee dalalka caalamka iyo sida ay Xukuumadda Somaliland wakhtigan u gasho heshiisyada ku saabsan Macanta, Shidaalka iyo wixii soo raaca oo u muuqanaya kaaf iyo kala-dheeri.

WAddani

Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed maanta ka soo baxay Guddiga Guddida Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamarta ee Xisbiga WADDANI, kaasoo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews.com, waxa uu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

“Noocyada Shuruucda shidaalaka ee caalamku isticmaalaan, Production Sharing agreements(PSA), Joint Venture(JV) iyo License-Concession Agreement ee u horseeda horumar dhaqan dhaqaale hadii si sax ah looga faa’idaysto.

Guddida Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamarta ee xisbiga Waddani, wuxuu  macluumaad kooban u soo bandhigayaa bulshada Somaliland qaybaha/noocyada ay u kala baxaan heshiisyada khayraadka dabiiciga ah (Oil Contracts) ee lalla galo shirkaddaha maalgashada, kuwaas oo midwalba faaiidadiisa iyo khasaarihiisaha uu leeyahay.

Marka ay dawladi dhisanayso qaab dhismeedka wasaarad ka hawlgalaysa khayraadka dabiiciga ah, waxa ugu mudan ee ugu horeeya in la doorto oo la dhamaysstiro nooca heshiis ee wadanku adeegsanayo marka heshiis(Oil Contracts) uu la galayo shirkaddaha maalgashada khayraadka dabiiciga. Waxaa iyadana meesha aan ka maqnayn oo aad u muhiim ah in la ogaado wadahadalada heshiisyada ” Contract negotiation”. Waxa kale oo muhiim ah in la ogaado dadka ku xeeldheer ee ku takhasusay(experts) ama qareenada loo adeegsanayo in ay dawlad ka caawiyaan arrimaha dhaqaaalaha, shuruucda u taal beesha caalamka, arrimaha deegaanka iyo wixii kale ee anfacaya dawlada iyo muwaadiniinta dalka u dhalatay. Arrimahaas oo dhami waa in ay u socdaan qaab daahfuran iyagoo waafaqsan shurrucda dalku leeyahay oo waliba lagu soo bandhigayo saxaafada madaxa banaan.

Hadaanu u soo noqono noocyada ay u kala baxaan heshiisyada khayraadka dabiiciga ah (Oil Contracts) ee lalla galo shirkaddaha maalgashada, macluumaadkan oo aan lagu soo koobi karayn warbixintan kooban ee xisbiga Waddani guddidiisa khayraadka dabiiciga ah iyo tamartu uu ku wacyi galinayo bulshada Somaliland si ay foojignaan iyo aqoon u korodhsadaan qaabka xukuumadeenu wax u maarayso iyo qaababka heshiis ee waddamada horumarka ka gaadhay isticmaalaan.

Ugu horayn noocyada heshiisyadaasi mid kastaaba waxa uu leeyahay faa’iidadiisa iyo khasaarihiisa, dhamaantoodna waxay ka siman yihiin oo ay ku dhisan yihiin marka sida saxda ah loo adeegsado horumarka dhaqan dhaqaale ee dalka iyo muwaadiniintiisa. Heshiisyadaasi kuwa ugu isticmaalka badan waxay u qaybsamaan  sadex nooc oo kala ah:

Production-sharing Agreement (PSA) heshiiskani waa ka ugu isticmaalka badan caalamka.

PSA waa heshiiska ugu badan ee lalla galo shirkaddaha maalgashada khayraadka dabiiciga ah. PSA waxaa markii ugu horaysay laga hirgaliyey dalka Indonesia markuu sanadku ahaa 1966.

PSA waxa u ka kooban yahey afar heshiis oo kala ah.

  • Xaqul qalin ”Signature bonus” waa lacagta la kala qaato marka ugu horaysa ee heshiiska la saxeexayo.”Discovery bonus” oo ah marka la helo khayraadka lacagta la siiyo dawlada. ”Production bonus” oo ah lacagta la bixiyo marka la soo saaro khayraadka.
  • Shirkada maalgashanaysa waxay bixinaysaa cashuur boqolkiiba toban faa’iidada khayraadka la soo saaray( Royalty tax 10%).
  • Faa’iidada soo hadhey marka laga saaro kharashaadka kaga baxay shirkada iyo (Royalty tax 10%) ayaa dawlada iyo shirkada maalgashatay  kala qaybsanayaan (50-50 % ama  40-60 %).
  • Dawlada  cashur ayey ka qaadaysaa qaybtii shirkaddaha  u soo hadhay (Incom Tax).

PSA wuxuu kaga duwan yahey labada heshiis ee kale ee kala ah License-Concession Agreement iyo Joint Ventura.

  • Shirkaddaha ayaa maalgashada baadhitaaanka u horeeya (Sahaminta iyo ceelka tijaabada) oo khasaarahana hadii shidaal laga waayo isku qaba.
  • Dowlada ayaa iska leh khayraadka dhulka hoostiisa ku duugan.
  1. License-Concession Agreement

License-Concession Agreement” waa heshiiska ugu horeeyey ee ay adeegsadaa caalamku sandku markuu ahaa1900. Heshiiskan waxaa isticmaala shirkaddaha  ay kamid yihiin Kuwait ,Angola  iyo Sacuudiga.

Wuxuu kaga duwanyahay labada nooc ee kale ee kala ah JV iyo PSA.

  • Shirkada aad lagashay heshiiska ayaa suuq geynaysa khayraadka.
  • Shirkada heshiiska lalla galay ayaa u madaxbanaan sahaminta, soo saarista khayraadka iyo suuqgayntiisa blocka la siiyey oo wakhtiga loo cayimay.
  1. Joint Venture (JV)

Heshiiskan qaar ka mid ah waddamada isticmaala waa Russia, Nigeriya , Australia iyo wadamo badan oo kale.

Waa heshiis ay ku midoowbaan dawlada khayraadka laga baadhayo iyo shirkada maalgashanaysa. Waa heshiis loo qaybsanayo khasaarihiisa iyo faaiidadiisa si isleeg.

 

 

Heshiisyada khayraadka dabiiciga ah ee la kala saxeexdaa hadii aan aad looga taxadirin waxay ku dhamaadaan xadgudubyo aan tiro lahayn iyo musuqmaasuq wadanka waxyeelo balaadhan gaadhgsiiya.

Heshiisyadaa qaabka kaliya ee cadayn ama ku xukumi kara in ay yihiin qaar xalaal ah oo waxtar u leh dalka iyo dadka waa iyagoo loo bandhigo oo si cad loo wargaliyo dadwaynaha dalka ku dhaqan iyo haayadaha ay dawladi leedahay sida golayaasha iyo saxaafada madaxbanaan.  

Xukuumada Somaliland dhamaan heshiisyada khayraadka dabiiciga ah ee ay la gashay shirkaddaha waxay ahaayeen nooca ”Production-sharing Agreement”, PSA.

 

Hadaba waxaa iswaydiin mudan suaalahan hoos ku qoran:

  • Tartan daahfuran ma loo galay heshiisyadaa?
  • Habkee lacagta loo bixinayaa? Waa imisa caddadka gunnadu ”Bonus”? Goormaa se la bixinayaa?
  • Caddadka cashuuraha ay shirkadu bixinayso?
  • Shikaduhu ma ka qayb galayaan horumarinta  bulshada iyo deegaanka? Tabobar xirfadeed ma siinayaan shaqaalaha? Hadii ay haa tahay shirkadu miyey ka  goosanaysaa faa’iidada shidaalka ka soo baxay?
  • Khasaaraha/waxyeelooyinka ku yimaada deegaanka laga qodayo khayraadka yaa ka masuul ah? Ma mid ay dawladu laqaybsanayso shirkadaa, mise shirkada ayaa ka masuula ah?

Hadii aan usoo noqono sharciga uyaala khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta wadankeena. Xukuumada dalka ka talisaa sharci wanaagsan oo lagu maamulo khayraadka dalkeena kamay dhaxlin dawladii ka horaysay. Waxaase nasiibdaro ah in xukuumadan aad loogu hanwaynaa inay dardar galiso oo ay dhamastirto shuruucda khayraadka dabiiciga ah, waxaase cad in ay wali isticmaasho shuruucdii daldaloolada badnaa ee ay ka dhaxashay xukuumadii hore iyadoo dhawaan afarjirsanaysa. Waxaase waliba u dheer bixinta laysamada gabi ahaan wadanka badhkii oo aanay wali ka midho dhalin heshiisyadaa. Sideebay isku waafaqayaan heshiisyadii hore iyo shuruucda cusub ee ay xukuumadu soo wado. Mudnaantu ma xaqul qalinkaa (Signature bonus) mise waa ka midho dhalinta soo saarista khayraadka.

Khayraadka dalkeena ku diihan waxaan Eebe ka rajeynaynaa in uu inooga dhigo kii inoo horseedi lahaa horumar dalka oo dhan si cadaalad ah u gaadha loogana faa’idaysto.

Lasocda qaybaha danbe oo si taxane ah ugu soo bixi doona saxaafada Somaliland. Allaah mahadleh.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.
 

You must be logged in to post a comment Login