Is-qarxiyeyaal Jabuuti isku qarxiyey oo Mid ka mid ahi ka tegay Somaliland iyo Bandhigga dawladda

Filed under: Wararka |

Jabuuti(Aftahannews):- Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa maanta shaacisay Magacyada laba qof oo mid ka mid ahi ka tegay Somaliland, isla markaana 24-kii May 2014 isku qarxiyey Huteel ku yaalla magaalada Jabuuti, kaasoo ay ku dhinteen saddex qof oo ay ku jiraan labada is qarxiyey, 15 ruux oo kalena ku dhaawacmeen.

Xeer-ilaaliyaha guud ee dawladda Jabuuti, Maki Cabdiqaadir, oo maanta saxaafadda kula hadlay Magaalada Jabuuti, ayaa sheegay in labada qof ee isku qarxiyey Caasimadda Jabuuti, ay Magacyadoodu kala yihiin, Muuse Rooble Hiraab iyo Hodan Maxamed Ciise.

Labadan qof ee is qarxiyey, ayuu sheegay inay 22-kii bishan May ay ka talaabeen xadka Somaliland iyo Jabuuti, isla-markaana ay is qarxiyeen 24-kii bishan May.

Labadan qof, ayuu Xeer-ilaaliyuhu sheegay inay markii hore ka yimaadeen Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, isla-markaana gabadhu ka soo jeedo Hargeysa, halka ninkuna ka soo jeedo Diridhaba oo ah dalka Itoobiya.

Xeer-ilaaliyaha oo qaabilsanaa baadhitaanka dawladda Jabuuti ku samaynayso falkan isqarxinta ah, ayaa intaasi ku daray in arrintan loo qabtay dad badan oo gacan ka geystay isla-markaana intii labada qof ee is qarxiyey Jabuuti joogeen gacanta siinayey. Haweenayda ayaa la sheegay inay ka tegtay Somaliland halka ninka oo ah qofka labaad la sheegay inuu ka yimi wakhtigan dhinaca magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in dadka la qabtay uu ka mid yahay askari booliska Jabuuti ka mid ah, kaasi oo u fududeeyay inay xadka Jabuuti ka gudbaan. Waxaanu xusay in guud ahaan dadka loo qabtay arrintaasi sharciga la hor-geyn doono. Qaraxa ka dhacay dalka Jabuuti, ayaa waxa sheegatay kooxda Al-shabaab.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login