Golaha Deegaanka oo reer Hargeysa ugu baaqay inay Cashuuraha bixiyaan

 Hargeysa(Aftahannews):- Guddida dhaqaalaha dawlada hoose ee Caasimada Hargaysa, ayaa qaybaha kala duwan ee Bulshada Caasimadda ugu baaqay inay soo xareeyaan Cashuuraha ku waajibay ee sannadka dhammaanaya iyo cidda lagu leeyahay wixii sannadkan dhammaadka ah ee 2013 ka horreeyey.

Guddiga dhaqaalaha ee dawladda Hoose ee Hargeysa waxay sidaa ku sheegeen Shir Jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xaruntooda magaalada Hargeysa, waxay dadweynaha u soo jeediyeen inay iska keenaan oo ay soo bixiyaan wixii cashuuro ah ee k u waajibay inta ka horraysa dhammaadka sannadkan aynu ku jirno.

 

Guddoomiyaha Guddida dhaqaalaha Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargaysa Xildhibaan Maxamed Aw Aadan Wayrax oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan Caasimaddu aanay sidii loogu talogalay u wada bixin cashuuraha dawladda hoose ee ku waajibay.

Xil.-Maxamed-Aw-Aadan Wayrax1

Xildhibaan Maxamed Aw Aadan Wayrax, waxa uu u soo jeediyay bulshada ku dhaqan magaalada Hargaysa in Cashuuraha dawladda hoose ay waqtigooda ku bixiyaan. Xildhibaan Wayrax waxa uu tilmaamay in taasi sahlayso in adeegga dawladda hoose ay uga baahanyihiin dadweynuhu si habboon loogu fuliyo haddii ay sida ugu fiican u bixiyaan cashuuraha sharciga ah.

Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Deegaanka Hargeysa Xildhibaan Maxamed Aw Aadan,  waxa uu intaa ku daray in ciddii soo xarayn wayda cashuurta ku waajibatay la saari doono ganaax la xidhiidha dib u dhaca ay ku sameeyeen cashuurta iyo dakhliga dawladda hoose.

Xildhibaan Wayrax waxa uu ugu baaqay Mulkiilayaasha Deyrarka Caasimadda iyo Seesaska in ay soo bixiyaan cashuurta lagu leeayay.

Xildhibaan Cismaan Xasan Faarax (Cismaan-Waxar) oo ka mid ah Xubnaha Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Deegaanka Hargeysa, oo Shirkaa Jaraa’id ka hadlay, ayaa ka warramay qorshaha Miisaaniyadda  dawladda hoose ee sannadka 2014-ka, kaasoo uu sheegay in ay ugu jiraan mshaariic horumarineed oo ay waddooyinka Caasimadda ugu talogaleen in lagu horumariyo. Sidaa daraaddeed, waxa uu xusay in loo baahan yahay in dadweynuhu ay xil iyo masuuliyad iska saaraan inay iska soo bixiyaan cashuuraha ku waajibay ee lagu leeyahay intaan sannadka cusub la gaadhin.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.