Masar oo Shatiga kala noqotay 16 Shirkadood oo lagu eedeeyey Dhimashada Xujeyda Egypt

Qahira (aftahannews):- Dowladda Masar, ayaa shatiyadii kala laabatay 16 shirkadood oo la siiyay hawllaha xajka ee sannad kan, waxana loo gudbiyay kiiskooda xafiiska xeer ilaalinta qaranka, iyadoo lagu eedeynayo in ay masuul ka ahaayeen dhimashada xujeyda Masar ku soo gaartay magaalada Maka.

Ilo dhinaca caafimaadka iyo amniga ah, ayaa sheegay in ugu yaraan 530 masaari ah ay dhinteen intii lagu jiray xiliga xajka ee sanad kan magaalada Maka, halka kooxda loo saaray arintan ay sheegeen in 31 qof la xaqiijiyay geeridooda kuwaas oo u dhintay xanuuno daran.

Shirkaddahan oo fududeynayay socdaalka dadka dhintay ayaan wax adeeg ah oo caafimaadku ku jiro aan siinin sida warbaxinta lagu sheegay, in kastoo aan la magac dhabin shirkaddaha ku lugta leh kiiskan.

Shirkaddahan ayaa lagu eedeeyay in xujeyda ay ku direen dal ku gal booqasho Sucuudiga ah, halkii ay u soo saari lahaayeen dal ku galka xajka ee u fududeyn lahaa gaaritaanka magaalada Maka, halkaas oo ah meesha acmaasha xajka lagu sameynayo.

Adeegyada caafimaad ee masuuliyiinta Sucuudigu bixinayeen waxa la siinayay kaliya dadka wata dal ku galka xajka, lamana siineyn dadka wata dal ku galka booqashada gaarka ah.

Xujeyda dhimatay ayaa lugeynayay buurraha lama dagaanka ah ee ku teedsan Maka, si ay uga fogaadaan in la xiro ama la musaafuriyo, sida warbixinta lagu sheegay.

Masuuliyiinta Masar waxa kale oo ay sheegeen in shirkaddaha socdaalka aanay bixin adeeggii loo baahnaa, iyagoo intaa ku daray in taasi sababtay dhibaatada gaartay xujeyda oo heer kulkuna uu aad u sarreeyay.

Masuuliyiinta Masar waxay diiwangaliyeen dhimashada 31 kamid ah xujeyda masaarida ee diiwaan gashanaa, kuwaas oo u dhintay xanuunno aad u daran. Inta badan kuwa dhintay, ayaan diiwaan gashaneyn, sida warbixinta lagu sheegay.

Dhawaan boqollaal qof oo ka kala yimid wadamo kala duwan ayaa u dhintay xaaladdaha xajka ee sanad kan, halkaas oo heer kulku gaaray 51 degree.