Dab ka kacay Banka Xaguuga ee degmada Gaashaamo oo lagu guulaystay Demintiisa

Gaashaamo (aftahannews):- Dab galabta ka kacay Banka Xaguuga ee degmada Gaashaamo, ayaa lagu guuleystay in la bakhtiiyo ama l damiyo abbaaro 9:30pm ee caawa.

Dabkan oo saameeyey inta u dhaxaysa Cagafta Shimbiraale u dhow illaa Dhagaxyo Caddo, ayaa kacay abbaaro 3dii pm ama galabnimo, waxaana demintiisa uu Illaahay ku guuleeyey dadka shacabka ah oo adeegsanaya busteyaal iyo dhir iyo sidoo kale dhawr Booyadood oo joogay Gaashaamo oo ay dad shacab ahi leeyihiin, ayaa iyaguna qayb ka qaatay deminta dabkaas.

Kaaraamardha TV oo aan warkan ka soo xigannay, ayaa sheegaya wararka uu ka helayo Gaashaamo, ay sheegayaan in Hal Dab-demis oo ay leedahay magaalada Gaashaamo uu xun yahay oo aanu shaqaynin in muddo ah.