Ciidammada Israel oo Gaadhi Ku Xidhay Nin Falastiini ah oo ay Dhaawaceen

Gaza (aftahannews):- Milatariga Israel,  ayaa sheegay in ciidamadoodu ay jebiyeen hab-maamuuska kadib markii nin Falastiini ah oo dhaawac ah ay ku xireen afaafka hore ee gaarigooda intii uu socday hawlgal ay ka fuliyeen magaalada Jenin ee daanta galbeed.

Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa dhacdadan xaqiijiyay kadib markii laga soo duubay muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada.

Bayaan kasoo baxay Ciidamada difaaca Israa’iil ee IDF ayaa lagu sheegay in ninkan uu ku dhaawacmay rasaas ay isweydaarsadeen intii uu socday weerarka, uuna ahaa tuhmane.

Ehelada ninka la dhaawacay ayaa sheegay in markii ay dalbadeen ambalaas ay ciidamadu kaxeysteen, kadibna ay ku xireen boonedka ama afka hore ee gaariga oo noociisu ahaa Jeep ay wateen kadibna ay kaxeysteen.

Ninka dhaawaca ahaa ayaa ugu dambayntii waxa loo gudbiyay hay’adda Laanqeyrta Cas si loogu daweeyo. IDF waxay sheegtay in dhacdadaas la baari doono.

Goob joogayaal la hadlay wakaalada wararka ee Reuters ayaa ninka ku sheegay in uu ahaa nin deegaanka ah waxaana lagu magacaabi jiray Mujaahid Azmi.

“Saakay (Sabtidii) intii lagu guda jiray howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee lagu soo qab-qabtay dad la raadinayey oo laga shakisan yahay deegaanka Waadi Burqin, argagixisadu waxay rasaas ku fureen ciidamada IDF, kuwaas oo ku jawaabay rasaas,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay IDF.

Xigasho BBCSomali.com.