Mooshin 168 Xildhibaan saxeexeen, kana dhan ah Raysal-wasaare Saacid oo Shir-gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya loo gudbiyey

Muqdisho(Aftahannews):- Mooshin ka dhan ah Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa maanta loo gacan-geliyey guddoonka Baarlamanka, kaasoo la sheegay inay saxeexeen in 168 Xildhibaan oo Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsani.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka, ayaa laga soo xigtay in Mooshinkaasi gacanta laga geliyay Shir-guddoonka Baarlamanka gelinkii hore ee Khamiistii maanta, ka dib toddobaad ku dhawaad olole lagu soo diyaarinayay ka socday magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa ka dambeysay khilaaf meel adag gaadhay oo u dhexeeya Reysal-wasaaraha iyo Madaxweynaha, kaasoo u muuqda in Xukuumadda Raysal-wasaare Saacid lagaga takhalusayo. Kala hororsi Xildhibaannada ah oo lacago lagu bixinayay, ayaa maalmahan laga dareemayay meelaha ay ku kulmaan siyaasiyiinta dawladdu.

Reysal-wasaare Saacid, ayaa maanta oo Khamiis ahayd Guddoominayay Shirka Golaha Wasiirrada ee toddobaadlaha ah, kaasoo u muuqda inuu yahay kii ugu dambeeyay ee uu Kursiga ku sii maca-salaameynayay haddii uu meel-mar noqdo mooshinka xilka lagaga tuurayo ee loo gudbiyey Shir-guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, oo la filayo in Mudanayaasha Baarlamaanku cod u qaadaan toddobaadka bilaabanaya.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in saacaddu markii ay aheyd 1:00-dii duhurnimo ee shalay loo gudbiyey Mooshinkan guddoonka Baarlamaanka iyadoo Mooshinkan oo uu gedaal ka riixayo Madaxweynaha Soomaaliya lagu dalbanayo in kalsoonida lagala laabto Xukuumadda uu horkacayo Ra’iisal-wasaare Saacid.

“Waxaanu u gudbinay goddoonka Baarlamaanka Mooshiin aannu kalsoonida kagala noqonayno Xukuumadda Raysal-wasaare Saacid oo ay ku saxeexan yihiin 168 Xilshibaan, kuwaasoo ka kala socday dhammaan Shanta Beelood ee Soomaalida iyo waliba kudlad Xildhibaanno ah oo ka kooban 45 Xildhibaan oo Madax-banbaan. Mooshinka aannu u gudbinnay Shir-ggoddoonka Baarlamaankana waa nalaga aqbalay.” Sidaa waxaa yidhi mid ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ee Shir-guddoonkooda u gudbiyey Mooshinka ka dhanka ah Raysal-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo arrimo ammaan awgeed uga gaabsaday inuu magiciisa shaaciyo oo Warbaahinta la hadlay.

Cabdi Faarax Shirdoo (Saacid), ayaa isaga laftiisu la sheegay inuu ku hanjabayo sidii u difaacan lahaa Kursiga uu ku fadhiyo, ka dib markii uu diiday dalab Madaxweyne Xasan Sheekh u jeediyey ee ahaa inuu is casilo. Dhawaan ayuu Saacid sheegay in muranka isaga iyo Madaxewynaha soo dhex-galay uu yahay mid ku saleysan Sharci iyo Dastuurka, isla markaana uu doonayo in Baarlamaanka hortiisa lagu kala baxo.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyey qodob Xeer-hoosaadkiisa ku xusan oo sheegaya in Xildhibaankii saxeexa moowshin aanu dib uga laaban karin, isagoo Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof: Maxamed Cismaan Jawaari la filayo inuu maanta ahaan dalka dib ugu soo laabto.

Sheekadda ku saabsan Khilaafka labada Masuul ee Madaxda ka ah Soomaaliya, ayaa haatan maraysa in lagu kala calaf-qaado Baarlamaanka hortiisa, isla markaana kii guushu raacdo la arko. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa haysta muddo xileed dhan afar sannadood oo Baarlamaanku doortay 10-kii September ee sannadkii 2012, Xukuumadduna waxay dalka maamulaysay muddo ku siman sannad iyo bilo gudohood.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.