Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabis iyo Xil-ka-qaadis ku Sameeyey Wasiirrada

Hargeysa (aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay Wasiirro cusub, kuwo isku beddelay, qaarna xilka ka qaaday maanta.

Wareegtooyin uu soo saaray maanta Madaxweyne Muuse Biixi oo soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, waxay u dhignayd sidatan:-

“Wareegtooyin Madaxweyne.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 10/03/2024 uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilka qaadis, magacaabid iyo isku bedel ku sameeyey qaar ka mida xubnaha Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

Saleebaan Cawad Cali Bukhaari;
Wasiirkii Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore u haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid.

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

1. In Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Maxamuud Warsame Jaamac Cali laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland.

4. In Faysal Maxamuud Siciid Cabdulle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland.

5. In Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH.” Sidaa ayuu
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku yidhi wareegtooyinkiisa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland