Soomaaliya iyo Somaliland oo isku Maandhaafsan Maamulka Hawada iyo Wararkoodii u dambeeyey

Muqdisho (aftahannews):- Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya, ayaa sheegtay in hawada Soomaaliya aanay waxba iska beddelin, isla markaana dowladda Federaalku ay tahay maamulka keliya ee fasaxa duullimaadyada.

Hay’adda duulistu Diyaaradaha waxay sheegtay inay hawada Soomaaliya ka mid tahay adeegyada ugu badqabka sarreeya adduunka, taas oo ay sheegtay inay keentay in hawada Soomaaliya si heer caalami ah loogu aqoonsado heerka ugu sarreeya ee “Class-A Airspace.”

Diyaaradaha mara hawada dalkeena waxay helaan mid ka mid ah adeegyada ugu badqabka sarreeya dunida,” ayey qoraalkaas ku sheegtay hay’addu.

Arrintan ayaa imanaysa saacado kadib markii mas’uuliyiinta duulista hawada ee Somaliland ay ku eedeeyeen dawladda federaalka Soomaaliya inay ku xadgudubtay maamulka hawada, isla markaana ay iyaga mas’uul ka noqon doonaan wixii carqalad ah ee ku yimaada.

Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland Cumar Sayid, ayaa sheegay inay Somaliland soo ceshatay maamulka hawadeeda, si aanay dowladda federaalku u carqaladayn duulimaadyada caalamiga ah ee ka dega Madaarka magaalada Hargeysa.

Dhowr jeer oo hore hay’adda socdaalka,  ayaa celisay duulimaadyo aan fasax ka haysan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo lagu eedeeyay inay jebiyeen xeerka caalamiga ah  u hoggaanaanta awaamiirta hawada ee ay dowladuhu bixiyaan.

Tan iyo markii Somaliland ay heshiis dhinaca badda ah la gashay Ethiopia 1dii January 2024-ka, dowladda Soomaaliya, ayaa si dhow ula socotay duulimaaadyada ka yimaadda Ethiopia iyo Taiwan, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug leeyahay arrimo kasoo horjeeda madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.