Xaalad Adag oo ka Dhex Taagan Garoonka Diyaaradaha Hamburg ee Jarmalka

Hamburg (aftahannews):- Booliska magaalada Hamburg ee wadanka Jarmalka ayaa la tacaalaya xaalad looga shakisan yahay afduub kaddib markii nin hubeysan oo kaxaynayay gaari uu ka gudbay xayndaabka amniga.

Waxa gaariga saaran ugu yaraan labo qof oo uu ku jiro ilmo yar, sida ay boolisku sheegeen.

Saraakiisha ayaa la xiriirayay darawalka gaariga, oo madaarka soo galay sideeddii habeenimo xiliga Hamburg.

Xaaska eedeysanaha ayaa lagu soo waramayaa in laga soo xigtay suurtagalnimada afduubka ilmaha yar.

Booliska oo bayaan soo saaray ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in arintan ay ka dambeyso muran dhinaca haynta ah.

Waxay sheegeen in eedaysanuhu labo jeer uu xabado cirka u riday, wuxuna gaariga ka tuuray quraarado holcaya. Waxa uu gaarigiisa u kaxeeyay afaafka garoonka oo ah halka ay diyaaradduhu istaagaan.

Waxa goobta ku sugan ciidamo badan oo gurmad ah, waxana loo malaynayaa in xaalad afduub ay taagan tahay sida boolisku sheegeen.

Waxa la joojiyay dhammaan duulimaadyadii ka tagayay ama ka soo dagayay garoonka ku yaala magaalada waqooyiga Jarmalka ku taala ee Hamburg.

Saacadihii hore ee saaka, booliska ayaa xaqiijiyay in xaalad ka taagan tahay garoonka Hamburg.