Xisbiga WADDANI muxuu ka yidhi waayaha KULMIYE kala qaybiyey?

Hargeysa(Aftahannews):- Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay rejada uu ka qabo doorashooyin wakhtigii loo qorsheeyey ee 2015-ka ka qabsooma Somaliland, isla markaana walaac ka muujiyey khilaafka xooggan ee labada Garab u qaybiyey Xisbita talada haya ee KULMIYE oo ay ka digeen inuu maro jidkii uu ku baabba’ay Xisbigii ugu da’da waynaa Somaliland ee UDUB.

Afhayeenka Xisbiga WADDANI ahna Xildhibaan ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubbaa oo maanta magaalada Hargeysa kula hadlay Warbaahinta, ayaa ka hadlay arrimahaas, isla markaana soo jeediyey talooyin uu sheegay inay Xisbi ahaan u arkaan in lagu badbaadin karo burbur soo gaadha Xisbil-xaakimka KULMIYE.

Halkan hoose ka daawo Afhayeenka WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi oo qodobbadaas iyo kuwo kale ka hadla.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.