Xildhibaan si adag u difaacay Garabka Muuse Biixi, shaaciyeyna qabashada Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE

Hargeysa(Aftahannews):- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tiran Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ugu jira Xisbiga KULMIYE ee khilaafku hadheeyey kana mid ah Xubnaha Garabka Guddoomiyaha KULMIYE, ayaa shaaca ka qaaday inay 31-ka bishan May ee aynu ku jirno ay qabanayaan Shirka ugu horreeya ee Golaha dhexe ee Xisbigaas oo Garabka Madaxtooyaduna shalay ku dhawaaqeen inay qabanayaan shirkaas Golaha dhexe 1-da bisha Julay ee maalmuhu ka hadhsan yihiin.

XILDHIBAAN SICIID CILMI ROOBLE 2

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu si adag ula hadlay Madaxweynaha talada haya Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Garabka uu hoggaaminayo oo uu sheegay inay sharci-darro ku dhaqmayaan, isla markaana Hoggaanka Xisbiga KULMIYE ee sharciga ah ay inqilaab sharci-darro ah ku soo qaadeen, isagoo xusay waxa uu ugu yeedhay weerarka lagu soo qaaday hoggaanka Xisbiga inaanay aqbali doonin ee sharciga Xisbiga lagu dhaqmi doono.

Md. Siciid Cilmi Rooble waxa uu sheegay waxyaabo badan oo wakhtigan taagan oo shacabka looga baahan yahay inay ka faa’iidaystaan maaddaama oo ay iyagu yihiin awoodda dalka iyo dawladda, waxa uu jawaab ka bixiyey hadallo ay Shalay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo Wasiirro Xukuuadda ka tirsani ku qabteen Maansoor Huteel oo ay ku shaaciyeen inay qabanayaan shirka Golaha dhexe. Waxaanu sheegay inay Liiska sharciga ah ee Xubnaha Golaha dhexe ee KULMIYE soo saari doonaan Arbacada Berri.

Halkan hoose ee AFTAHANNEWS AND RADIO Codka Shirka Jaraa’id ee uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninic@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.