Puntland oo sheegtay inay qabatay Shakabado ka tirsan Al-Shabaab

Al-shabaab

Gaalkacyo (Aftahannews)- Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheikh Cali jifo-jabsade, ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen shabakado ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo uu sheegay inay doonayeen inay qaraxyo ismiidaamin ka fuliyaan goobaha lagu ciidayo ee Gaalkacyo.

Guddoomiyaha gobolka Mudug wuxuu sheegay sidoo kale in laamaha amnigu ay qabteen Shabaabkii Gaalkacyo dilalka ka geysan jiray muddooyinkii ugu dambeeyay.

Ma sheegin guddoomiyuhu goorta iyo meesha lagu qabtay shabakada Al-shabaab ee qorsheynayay weeraro ka dhan amniga magaalada Gaalkacyo.

Hase ahaatee wuxuu tilmaamay in laamaha amnigu tallaabo adag qaadeen, isagoo sheegay in la fashiliyay dhagaro iyo khataro amni oo lagu fashilin lahaa nabad galyada Gaalkacyo.

Hadalkan ayuu guddoomiyuhu ka sheegay isku soo baxa ciida Carafo, halkaas oo uu shacabka ku baraarujiyay in aanay ka baqin inay hay’adaha amniga la soo wadagaan xogta amniga, sidoo kalena ayna guryahooda ka kirayn qof aan la garanayn.