Kallumaysato lagu waayay Badda Berbera

Berbera (Aftahannews)- Guddoomiyaha gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdillaahi (Cali Case) ayaa sheegay in la laayahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen 3 nin oo Kalluumeysato ah, kuwaas oo dhawaan ka anbabaxay magaalada Berbera, waxaanu xusay in ka maamul ahaan ilaa hadda ay ku hawlan yihiin sidii raggaas loo helilahaa Geeri iyo Nolol waxa ay ku sugan yihiin.

Geesta kale waxa uu tilmaamay in ay magaalada ka kaxaystay Laash, isla markaana ay Badda u Kalluumeysi tageen, waxaanu intaas ku daray in Iskaashatada Kalluumeysatada oo uu wareystay ay u sheegeen in waxa uu badan ee Badda lagu jiri karaay tahay toban cisho, isla markaana in sida dabeecada Baddu tahay in aanay nimankaasi maqnaan kareen haddii ay nool yihiin, isla markaana in mar uun war laga helilahaa iyaga iyo agabkoodii.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay in Iskaashatada Kalluumeysatadu ay dhinaca Barri iyo Galbeed ee Badweynta Berbera ay ka raadiyeen, balse nasiibdarro ilaa hadda aanay haynin raq iyo ruux midna.

Guddoomiye Cali Case waxa uu nimanka Kalluumeystada ee illaa hadda la laayahay uu magacyadooda ku sheegay Jaamac Cumar Warsame, Cali Cabdi Boos iyo Cawaale Maxamed, waxaanu hoosta ka xariiqay in nolol iyo geeri wax caddayn kara aan hadda la haynin.

Geesta kle waxa uu xusay in guddoomiyaha degmada Bulaxaar in  ay hawlgaliyeen isla markaana Gaadhiga Gurmadka deg dega ah ee degmadaasi baadi doon iyo raacda nimankaasi uu ku jiro isaga oo marba Badda Xeeligeeda dhinac u maraya.