Huteel Hargeysa ku yaala oo ku sigtay inuu Shufbeelo

Hargeysa (Aftahannews)- Ciidamada dab damiska magaalada Hargeysa, ayaa ku guulastay in ay damiyaan dab ka dhashay  Dhir iyo Xashiish ku gubtay Gidaarka dambe ee Hotelka Mega Plaza dhinaca Dooxa xigta oo halis galiyay Huteelkaas.

Huteelka lagu magacaabo Mega Plaza oo ku yaala magaalada Hargeysa ayaa maanta dhinaciisa dambe ee xigta dooxa weyn ee Hargeysa dab dhir iyo xashiish ka kacay, kaasi oo halis galiyay huteelka gaar ahaan Qaybta Cunto karinta.

Ciidamada Dabdemiska Hargeysa ayaa damiyay dabkaa oo halis galiyay hantida huteelkaas oo ah goob bulsho badan iskugu timaado.Ma Jirin khasaare ka dhashay goobtaas.

Ciidamada Booliska ayaa iyaguna hawlgalkaa kala qayb qaatay ciidanka Dabdemiska.

Ciidamada dab damiska qaranka ayaa bulshada Somaliland ka codsanaya in ay goor hore la soo xidhiidhaan mar kasta oo ay arkaan dab meel ka kacay ama ka bilaabmaya  iyagoo soo garaacaya lanabarada  kala ah 990 shirkadaha telesom/ ama somtel 24 ka saacadood.