“Laascaanood waxay noqotay Bahalo Galeen..” Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), ayaa sheegay in Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ay noqotay bahalo-galeen.

Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa waxa uu u soo jeediyay shaacabka Somaliland in ay garab-istaagaan Ciidanka qaranka Somaliland ee dagaalka kula jira Maleeshiyaadka huwanta ah ee kubsugan Magaalada Laascaanood.

Wasiir Cabdiqani Caateeye oo arimahaasi ka hadlayayna. waxa uu yidhi “Ciidanka qaranku waxa uu u dhimanayaa sidii Somaliland nabad u noqon la hayd, ciidanka qaranka kii dhaawacmay Ilaahay ha u boogo dhayo, kii ku shahiiday-na Alle ha u naxariisto, waa mid ay u ogyihiin dad kiisa iyo dalkiisuba”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxa ay noqotay bahalo galeen Laascaanood, horaantii guushana waanu haynaa, dadkii reer Laascaanood iyo dawladoodii waa laysku bahalo galiyay. waayo dad shisheeye ah ayaa ku soo duulay oo soo weeraray Somaliland, ciidanka qaranka Somaliland waxa aan leeyahay samra waxaana leeyahay shacabka Somaliland waa in la garab istaago ciidanka qaranka”.