Xasan Sheekh oo ka qayb-galay xuska Munaasabadda 1-da Luulyo

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb galay munaasabadda Calan saarka ee sanad guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii gobolada Koonfureed ay ka xuroobeen gumeystahii Talayaaniga iyo midnimadii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Munaasabadda lagu xusaayay sanad guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii gobolada Koonfureed ay xurnimada ka qaateen gumeystihii Talayaaniga kowdii Luulyo 1960-kii, ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’addaha dowladda Fedaraalka, dowlad goboleedyada iyo marti sharaf kale.

Munaasabada xuska oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa Cutubyo ka tirsan ciidamada Soomaaliya waxay u saareen Calanka abaaro 12-kii saq dhexe ee Xalay oo ku beegneyd 63 sano ka hor isla wakhtigii Calanka laga sudhay magaalada Muqdisho 1-dii Luuliyo 1960-kii.

 

Magaalada Muqdisho, ayaa maanta laga dareemayaa dabaal dega iyo dareenka farxadeed oo ay muujinayaan shacabka ku nool magaalada Caasimada ah oo intooda badan ku labisan dhar ka sameeysan Calanka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Xalay lagu qabtay magaalooyin ka mid ah gobolada Soomaaliya munaasabadda xuska sanad guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay ka xuroobeen gobolada Koonfureed gumeystahii Talayaaniga iyo midnimadii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur oo ku beegan maanta oo bisha tahay 1-da Luulyo 2023.