Madaxweyne Biixi oo Ka Hadlay Xaaladda Laascaanood, Duruufaha-Collaadeed iyo Mawqifka Xukuumadda

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasibad loogu dabbaaldegayay xuska sannad-guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland xornimadeeda ka qaadatay dalka Ingiriiska oo xalay lagu qabtay qasriga madaxtooyada, ayaa ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee loo soo maray xoriyada, xiisada magaalada Laascaanood iyo sidii hubsiimo la’aanta ahayd ee xorriyadddaas shuruud la’aanta loogu wareejiyey Soomaalidii Koonfureed ee Talyaanigu gumaysan jiray.

Madaxweynaha, ayaa ugu horrayn shacabka reer Somaliland ku hambalyeeyey munaasibadda 63-guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay dowladdii Ingiriiska, isaga oo si waafi ah u sharraxay marxaladihii kala duwanaa ee xorriyadda loo soo maray.

Madaxweyne Biixi, ayaa waxa uu meesha ka saaray inay Somaliland sannadkii 1960-kii ku biirtay Koonfurtii Talyaanigu gumaysan jirey, waxana uu sheegay inay iyadu sharciyad buuxda haysatay oo lagu soo biiray.

“Runtu waxa weeye Habeenkii la isku biirayey dalka sharciga ku dhisnaa (De jure)  ee lagu biiray inaguu ahaa, waayo inagaa sharci haysannay ee iyagu sharci may haysanin, reer Somaliland-na 63 sanno kadib waxa inala gudboon inaynu sii laban laabno inaynu sharciyaddaas iyo waddadaas cad ee aynu haysanno adduunka ku qancino, sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba qodobkaasna fahanno oo ku dagaal galno, xilkaasina waxa uu saaran yahay inta ummadda xilka u haysa ee la dhegaysto.” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu ka digay in nabadda iyo xasiloonida la mijo xaabiyo, dhinacna laga doono ictiraaf iyo dawladnimo,“Isku heli mayno inaynu qaran noqonno iyo inaynu nabadda la dagaallano, iskuna heli mayno inaynu ictiraaf helno iyo inaynu kala dambaynta diidno,”.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxa uu si gaar ah uga hadlay shaqaaqada ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isaga oo sheegay in xukuumadda Somaliland iyo shacabkeedaba ay ka go’an tahay xoojinta nabad ka dhalata Laascaanood.

“Waa inaynu nabadda meel uga soo wada jeesanaa, anigu horaan u sheegay qarankuna waa isku raacsan yahay oo ma jiro qof reer Somaliland ah oo aan nabad ugu baaqaynin Laascaanood, waxana aan rumaysanahay dadka shicibka ah reer Laascaanood maanta iyagaa nabadda inoogu jecel, waayo dhibaato dibadda lagaga soo waariday baa ku dhacday.” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

In ciidamada Somaliland ee duleedka Laascaanood difaaca kaga jira daandaansi iyo gardarro joogto ah lagu hayo ayuu madaxweynuhu sheegay, waxana uu xusay inay ciidanku xaq u leeyihiin inay daandaansigaas iska difaacaan,“Waxaa dagaal dhacayey Somaliland maalinna dagaal may qaadin, xabbadna kumay horrayne shalay aroortiina iyagaa ciidanka Somaliland madaafiic kusoo rideen madaafiic oo ay labadii ugu horraysay dileen, ciidanka Somaliland na xaq bay u leeyihiin in marka lasoo weeraro uu jawaab culus bixiyo, mana jiro qof qaadanaya aan ku dilee ha ila hadlin,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Hoos ka daawo khudbada madaxweynaha