Puntland oo beddelaysa habkii lagu soo dooran jiray Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa

Garoowe (Aftahannews)- Baarlamaanka maamulka Puntland, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in wax laga beddelayo habkii lagu soo dooran jiray madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa.

Baarlamanka, ayaa sheegay in wax laga beddelayo qodobka 56-aad ee dastuurka, oo dhigaya in madaxweynaha ay soo doortaan baarlaamka ku yimid codka shacabka.

Baarlamaanku wuxuu sheegay in qodobkan lagu beddelayo in shacabka Puntland ay iyagu soo daartaan madaxweynahooda.

Sidoo kale, baarlamaanku wuxuu sheegay in la furayo qodobka 46aad ee dastuurka, si loo kordhiyo tirada xisbiyada, loona waafajiyo hannaanka doorashada ee haatan lagu wado.

Waxaa kale oo baarlamaanku furayaa qodobka 7-aad ee  dastuurka, si gobolka Gardafu oo laga jaray gobolka Bari loo waafiyo dastuurka.

Puntland, 24 kii sano ee la soo dhaafay, baarlamaan lagu soo xulay hab qabaa’il ah, ayaa doorta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. Lama oga in isbeddelkan cusubi uu dhaqan gali karo xilligan.

Si kastaba ha ahaatee, furitaanka dastuurka maamulka Puntland weli khilaaf adag, ayaa ka taagan, waana sababta keentay dagaalkii Garoowe dhawaan ka dhacay, kaasoo u dhaxeeyay maamulka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.