Mooshin Aqoonsiga Somaliland ah oo laga horjeedin doono Baarlamaanka Ingiriiska

London (Aftahannews)- Xildhibaan Gavin Williamson, ayaa la filayaa inuu mooshin la xidhiidha aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ka horjeediyo baarlamaanka dalka Ingiriiska bilowga bisha July 2023.

Mooshinka oo lagu shaaciyey mareegta baarlamaanka Ingiriiska, ayaa lagu sheegay in qorshaha shaqada baarlaamnka ee 4 July ku jiro mooshin 10 daqiiqadood aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland oo uu soo jeedin doono xildhibaan Gavin Williamson.

Mooshin sharcin ee toban daqiiqo ah, ayaa lagu qabtaa qolka weyn ee Aqalka Hoose marka wakhtiga su’aalahu dhamaadaan, inta badan maalmaha Salaasada iyo Arbacada.

Xildhibaan kasta oo qorshaha mooshinkiisa sii kaydsaday wuxuu soo bandhigaa mooshinkiisa, wuxuuna xaq u leeyahay inuu hadlo 10 daqiiqo si uu golaha ugu qanciyo mudnaantiisa.

Xildhibaan Gavin Williamson oo ka mid ah saaxiibada Somaliland ee Baarlamaanka Ingiriiska, isla markaana si weyn u taageera qadiyadda madaxbanaanida Somaliland ayey mudan tahay in muwaadiniinta reer Somaliland ee carriga Ingiriisku qeyb ka noqdaan sidii ay xildhibaanada deegaanadooda ugu dhiirigelin lahaayeen taageerida mooshinka aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ee baarlamaanka la horkeeni doono.