Somaliland oo Xukun ku Ridday Xubin ka Tirsan Al-Shabaab

Ururka Al-shabaab

Hargeysa (Aftahannews)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Xubin ka tirsan kooxda Al-shabaab ku xukuntay 9 sanno oo xabsi ciidan ah.

Fadhigii Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka Qaranka Somaliland oo xukunka ninkan fadhi ka yeelatay, ayaa sheegtay in ninkan oo ka tirsan xarakada Al-shabaab, uuna qaabilsanaa in uu xubno Al-shabaab ah ka qoro gudaha Somaliland la xukumay.

Waxaa sidan lagu sheegay war qoraal ah oo lagu baahiyay Facebook-ga wasaaradda gaashaandhigga Somaliland.

Waxaaanu u dhigna sidan “Maanta oo ay taariikhdu tahay 11/06/2023-ka maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamadda Jsl goboladda galbeed Waxay xukun 9 (sagaal sano ah) ah, Xabsi milateri ku riday danbiile Al-shabaab Faysal Cali Ibraahin, ina Aamina Aaden 42 jir ah.

Ninkan oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab una qaabilsanaa in xubno Al-shabaab ah ka diyaariyo gudaha Somaliland.

Xukunkan ayay shalay maxkamadu kaga dhawaaqday fadhiga maxkamada ee xarunteeda guud Hargaysa”