Shir Madaxeedka IGAD oo Maanta ka furmay Jabuuti

Djibouti (Aftahannews)- Waxaa maanta ka furmaya magaalada Jabuuti shir madaxeedka 14-aad ee caadiga ah ee Madaxweynayaasha iyo Ra’iisal Wasaarayaasha dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD.

Shirka urur goboleedka ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah dalalka bariga Afrika, ayaa ka socda magaalada Jabuuti oo xaruntiisa cusub laga dhagax dhigay.

Waxaa ka soo qayb galay madax ay ka mid yihiin Madaxweynayaasha Kenya, Soomaaliya, Koonfur Suudaan iyo raysal wasaaraha Itoobiya.

Shirka waxaa lagaga hadlayaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin colaadda Suudaan iyo ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyada oo shalay ay warbaahinta Kenya werisay in madaxweynayaasha Kenya iyo Jabuuti ay ku baaqeen in dib u eegis lagu sameeyo awoodda Soomaaliya ee ay ku hananayso amaanka dalkeeda ka hor inta ayna ka bixin ciidamada Midowga Afrika.

Shir madaxeedkan, ayaa ku soo beegmay iyado laga deyrinayo xaaladda dalka Sudan iyo cidamada ATMIS ee Midowga Afrika ee ka hawl gala Soomaaliya oo lagu wado in bishan dhexdeeda ay qeybtii ugu horreysay ay ka baxaan Soomaaliya.