Hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo Kormeeray Goobaha Kaadh-qaadashada ee Degmooyinka Hargeysa

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiye ku-xigaanka labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo xubno saraakiil ah oo xisbiga ka tirsan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta kormeer shaqo ku soo maray goobaha ay ka socoto kaadhadhka cod-bixiyayaasha ee degmooyinka kala duwan ee caasimadda Hargeysa.

Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga KULMIYE oo ay wehelinayaan xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, Faysal Cabdiraxmaan Madar iyo Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE, Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Hadhiye), ayaa soo kormeeray sida habsimada leh ee ay muwaadiniinta ku nool degmooyinka caasimaddu u qaadanayaan kaadhadhka cod-bixinta.

Waxaana ay goobaha kula kulmeen dadweyne tiro badan oo safar ugu jira sidii ay kaadhadhkooda u qaadan lahaayeen.

Markii kormeerku dhammaaday waxa saxaafadda la hadlay Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE, Cabdiraxmaan Maxamed Hadhiye, waxana uu bulshada ugaga mahadnaqay sida ay muhiimadda u siinayaan qaadashada kaadhadhka.

Waxaana uu ugu baaqay inay maalmaha hadhay ka faa’iidaystaan oo ay xil iska saaraan qaadashada kaadhadhka, si ay waajibkooda ugu gutaan doorashooyinka kala dambeeya ee dalka kusoo foolka leh.

         

Hoos ka daawo muuqaalka warka