Hargeysa(Aftahannews):- Shir-guddoonka Shirweynihii Saddexaad ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa caawa si rasmi ah u shaaciyey Liiska Magacyada Xubnaha Guddiga Fulinta iyo Golaha Dhexe ee Xisbigaas, ka dib markii ay tan iyo dhammaadkii Shirweynaha saddexaad ee KULMIYE ku hawlanaayeen kala-shaandhaynta xubnaha loo soo xulay Golaha dhexe ee Xisbigaas.
Xubnaha Shir-guddoonkii Shirweynaha Saddexaad ee KULMIYE oo xubin mooyee intooda kale oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo ahaa Guddoomiyaha Guddigaas, ayaa Shir Jaraa’id oo ay caawa ku qabteen magaalada Hargeysa ku shaaciyey liiska magacyada xubnaha Golaha dhexe iyo Guddiga Fulinta oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo.
Haddaba Liiskaas oo ay Madaxtooyadu caawa si habaqle ah ugu dirtay Email-lada Saxaafadda, ayaa nuqulladii uu helay Aftahannews oo qaab sawir ahaan ah loogu soo diray email-ka Shabakadda waxay u dhignaayeen ama u sawirnaayeen sidan:-.
Liiska Guddiga Fulinta oo guddigu maanta Shaacisay, waxa ku jira Liiska magacyada Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada oo si toos ah loogu daray Golaha Dhexe iyo Wasiirro Golaha Dhexe u metelaya deegaamada ay ka soo jeedaan.
Liiska la shaaciyey waxa ku saxeexan Shir-guddoonkii Shirweynaha 3aad ee Kulmiye, kuwaas oo kala ah
AKHRISO LIISKA GUDDIGA FULINTA KULMIYE
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.
You must be logged in to post a comment Login