Xoghayihii Ururka Saxafiyiinta Soomaaliya oo Markale Xabsiga la dhigay

Muqdisho (Aftahannews)- Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya, ayaa markale xabsiga dhigay weriye Cabdalle Muumin oo ah xoghayihii guud ee ururka saxafiyiinta Soomaaliya Syndicate.

Cabdalle Muumin, ayaa markii ugu horeysay la xidhay todobaadkii hore ka dib markii uu dhaliilay amar ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo lagaga mamnuucayay warbaahinta maxaliga ah in ay tabiyaan dhaq dhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab.

Warar, ayaa sheegaya in la xidhay isagoo isku dayaya inuu Nairobi u aado arrimo caafimaad iyo qoyskiisa oo halkaas ku sugan.

Cabdalle Axmed Muumin, ayaa sheegay inuu kalyo xanuun aad u daran hayo, isla markaana uu bilaabay cunto ka soomid intii uu xidhnaa.

Cabdalle Muumin wuxuu ahaa bartilmaameed tan iyo markii uu cambaareeyay awaamiir dowladdu soo saartay taas oo yaraynaysa tabinta wararka sharciga ah, weriyayaashana gelinaysa khatar aargoosi oo kaga timaada dhinaca dowladda.