Dowladda Soomaaliya oo Mamnuucday Baahinta Wararka Al-shabaab

Muqdisho (Aftahannews)- Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqidsho, ayaa ka warbixiyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo ku dhowaaqay go’aanno culus.

Wasiir Al-Cadaala, ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay xoojisay dagaalka adag ee ay kula jirto kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay haatan ku soo kordhisay in lagala dagaalamo dhinaca dhaqaalaha iyo sidoo kale dhanka baraha bulshada ee Internet-ka.

“Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay soo kordhisay in Al-Shabaab lagala dagaalamo laba farimood oo lagu soo kordhiyay dagaalka oo ah in laga joojiyo dhaqaalaha badda ah ee dadka Soomaaliya intay ka gurtaan, isla iyaga dib ugu gumaadayaan iyo sidoo kale in la joojiyo faafinta firkirka Al-Shabaab” ayuu yidhi Al-Cadaala.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta, ayaa ku dhowaaqay in maanta laga bilaabo dowladda dhexe ay warbaahinta & baraha bulshada ka mamnuucday faafinta fariimaha & wararka Al-Shabaab.

“Joojinta fikirka Qawaarijta in la faafiyo iyo farriimahooda argax-gelinta ah, sidaas daraadeed dowladda Soomaaliya, iyada oo xiganayso qodobada kala duwan ee dastuurka jamhuuriyadda, sharciga isgaadhsiinta qaranka iyo sharciga warbaahinta qaranka waxa ay mamnuucday oo gebi ahaanba ay joojisay nooc kasta oo faafin fikirka argagixisada iyo falalka cabsi-gelinta ah,” ayuu yidhi wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Wasiir Al-Cadaala, ayaa sidoo kale sheegay in fal dambiyeed ay u aqoonsan doonaan cid kasta oo jebisa amarka maanta ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

 “Waxaan rabaa in wabaahinta iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed u sheegno in arrintaas loo aqoonsanayo in ay tahay fal dambiyeed nooc kasta oo la xidhiidha falalka argagixisada iyo fikirkooda,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaal.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladdu ay ku guuleystay inay hawada ka saarto ku dhowaad 40 fadhi oo baraha bulshada, sida Facebook iyo Twitter ay ku laheyd kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena ay ku howlan yihiin boggag kale oo u shaqeeya kooxdaasi.