Madaxweyne Deni oo Maxkamad lala Tiigsanayo

Madaxweyne Siciid Deni

Garoowe (Aftahannews)- Magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay go’aankii uu soo saaray madaxweynaha maamulkaasi Siciid Cabdullaahi Deni oo habeen hore kala diray golihii deegaanka ee Garoowe.

Guddoomiyihii golaha deegaanka magaalada Garoowe ee la kala diray, Axmed Siciid Muuse, ayaa ka horyimid tallaabada uu qaaday Madaxweynaha maamulkaasi Siciid Deni, isaga oo ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Axmed Siciid Muuse, ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in madaxweynaha maamulka Puntland uu meel kaga dhacay sharaftiisa, wuxuuna tilmaamay in uu qareen qabsan doono, si uu maxkamad ula tiigsado madaxweyne Deni.

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, ayaa kala dirista golihii deegaanka ee Garoowe u cuskaday warbixin ka timid xafiiska Hantidhawrka Guud ee maamulkaasi Puntland.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 123-aad, farqaddiisa 4-aad. Markuu arkay:  Xeerka Maamuulka Degmooyinka iyo Gobolada (Lr 7) ee Dowladda Puntland qodobkiisa 27-aad farqaddiisa 5-aad Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland. Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.  Wuxuu xeeriyey: Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Garoowe Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay.” ayaa lagu yidhi wareegtada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha maamulka Puntland oo lagu kala diray golaha deegaanka maamulkaasi.

Intaas kadib madaxweynaha maamulkaasi, ayaa guddoomiyayaal cusub u magacaabay magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland.