Al-shabaab oo ku hanjabtay inay Weerarro ka geysaneyso Gudaha Kenya

Nairobi (Aftahannews)- Ururka Al-Shabaab, ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan weerarrada ay ka gaysanayaan gudaha Kenya haddii madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto uu go’aansado inuu ciidamadiisa ku sii hayo gudaha Soomaaliya.

Hanjabaaddan, ayaa Al-Shabaab ay ku sheegeen war saxaafadeed ay soo saareen oo ay daabaceen warbaahinta taageerta ururkaas.

Dowladda Kenya iyo madaxwyenaha la doortay ayaan midkoodna weli ka jawaabin hanjabaadda Al-Shabaab.

Kenya, ayaa ciidankeeda u soo dirtay Soomaaliya bishii Oktoobar ee sannadkii 2011, kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerarro ka gaysteen gobolka Waqooyi Bari Kenya iyo gobolka xeebta, weerarradaasi oo lagu afduubay dad ajaanib ah. Hawlgalkaas ayaa Kenya ugu magacdartay ilaalinta waddanka.

Kenya ayay Soomaaliya ka joogaan ciidamo kumannaan ah, kuwaasi oo sannadkii 2012-ka rasmi ahaan uga mid noqday ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo haatanna loo yaqaan ATMIS.