Raysal-wasaaraha Soomaaliya oo Sheegay inuuu Wadahadal la Furayo Somaliland

Muqdisho (aftahannews):- Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo shalay codka kalsoonida ka helay Baarlamaanka, ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya ka shaqeynayso tab siyaasadeed oo isku soo dhoweynaysa Soomaaliya iyo Somaliland.

Raysal-wasaaraha oo ka qeyb galayay xuska 62-guurada kasoo wareegtay markii Somaliland xornimada Briain ee 26 June 1960-kii oo xalay lagu qabtay Muqdisho, ayaa ballanqaaday in Xukuumadda uu soo dhisayaa ay ka fogaan doonto wax kasta oo keenaya in boogo hore la damqo.

“Maaddaama dadka Soomaaliyeed ay dhinac walba isku xidhan yihiin, waxaa lagama maarmaan ah in la ilaaliyo Soomaalinnimada iyo walaalnimada, lagana fogaado wax kasta oo keenaya dhibaato.” sidaa ayuu yidhi Raysal-wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul-wasaaraha, ayaa xusay in 26-ka June ay huwan tahay taariikh aad u dheer, isla markaana ay tahay maalintii ugu horraysay ee ummada Soomaaliyeed ay ka xaroobaan gumayste.

Wuxuu sheegay Md. Xamse in dadka reer waqooyi la’aantood aanay suuragasheen gobonnimada maanta lagu faanayo. Raysal-wasaaraha, ayaa intaa ku daray in xukuumaddiisu ay dedaal xooggan ku bixinayso in dib loo soo celiyo wadahadalkii Somaliland iyo Soomaaliya oo istaagay dhawr sano ka hor.

Somaliland, ayaa joojisay wada-hadalka ay kula jirtay dowladda Soomaaliya, kadib markii ay sheegtay in dowladdii hore ay qaadday tallaabooyin ka dhan ahaa gooni-isu-taaggeeda iyo jiritaankeeda.