Xukuumadda Deegaanka Soomaalida oo ka jawaabtay eedeyn loo jeediyay

Jigjiga (Aftahannews)- Xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa waxaa ay jawaab kulul ka bixisay eedaymo ay u soo jeediyeen mucaaradka deegaanku.

Xukuumada deegaanka Soomaalida, ayaa beenisay dhaliil uga timid qeyb kamid ah mucaaradka oo sheegay in musuq maasuq xooggan uu sabab u yahay sicir bararka taagan.

Guddoomiyaha Xisbiga Xoriyadda & Sinnaanta (FEP), Ibraahim Maxamed Xuseen (Sheekh Ibraahim Dheere) oo u warramay BBC-da, ayaa ku eedeeyay maamulka Jigjiga in gawaadhi lacag Itoobiyaan ah ay geeyaan Wajaale, taasina ay wax badan u dhintay sarifka dollarka.

Haddaba wasiirka warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida, Cabdulqaadir Rashiid oo arrintaa ka jawaabaya, ayaa sheegay in aanay suuragal ahayn in dhaqaale intaa dhan laga musuq-maasuqo deegaanka.