Gobollada iyo Degmooyinka Sidee looga Xusay 31-guurada Somaliland ee 18-ka May 2022-ka??

Hargeysa (Aftahannews)- Guud ahaan waxaa maanta gobollada iyo degmooyinka Somaliland si weyn looga xusay munaasibadda 31-guurada ka soo wareegtay maalintii ay Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda 18-kii May 1991-kii, oo ku beegnayd maanta oo ahayd 18-ka May 2022-ka.

Caasimadda Hargeysa, waxa lagu qabtay munaasibaddii ugu ballaadhneyd ee lagu xuso sannad-guurada 18 May, iyadoo fagaaraha xuska maalinta xorriyadda ay soo mareen ciidamo iyo tekniko tiro badan oo markii u horeysay ka qayb-qaatay xuska maalinta.

Waxaa xuska 18-ka May si weyn uga qayb-qaatay, Madaxweynaha Somaliland, Shir-guddoonnada Goleyaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiillada, Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Kala duwan ee Qaranka, xildhibaanno iyo, Marti-sharaf ka kala timi dalalka deriska iyo dadweynaha caasimadda.