Xukuumada Somaliland oo sheegtay in kooxo baraha bulshada isticmaala ay dagaal kula jiraan

Hargeysa (Aftahannews) – Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud ee Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa mucaaradka ku eedeeyay in ay adeegsanayaan kooxo baraha ku daabaca xogo qaldan oo ku saabsan xaaladaha abaarta iyo sicir-bararka.

Wasiir Abokor ayaa sheegay in kooxahani ay si qaldan uga warbixiyaan xaalada abaarta, isla markaana ay daboolaan gurmadka wax lagaga qabanayo abaarta iyo sicir-bararka.

“Kooxda C.B.B waxay si guracan uga warbixiyaan Xaaladda Abaarta iyo Sicir bararka Somaliland, waxay daboolaan gurmadka xukumadda, ganacsatadda, culimadda, iyo saxiibadda Somalland,” ayuu yidhi wasiir Abokor.

Wasiirka ayaa sheegay in kooxaha ay mucaaradku adeegsanayaan ay lamid yihiin kooxo lagu eedeeyo in dowlada Soomaaliya ay adeegsato.

“Abuurista Kooxdan (C. B. B)oo laga soo minguuriyay Ururka Ikhwaanu-Muslimiin, lagu dumiyay Wadamadda Yemen, Libya, Syria, iyo Masar, Sudan oo xasilooni- siyaasadeed ka jirin, waxaa kale oo isticmaalay Kooxda Nabad iyo Nolol  ( N.N)  ee Konfurta Soomaaliya, imikan waxa la abuuray kooxo qarsoon oo baraha bulshadda ah Somaliland” ayuu yidhi wasiir Abokor.

Wasiirka ayaa sheegay ina uu bilaabay qormooyin taxane ah oo uu kaga warami doono khatarta kooxdan uu ku andacooday in ay adeegsanayaan mucaaradka Somaliland, si ay dadka uga indho saabaan dadaalada iyo waxqabadka xukuumada Somaliland.