
Dibedbaxyo rabshado wato ayaa xigay musiibada macdan qodayaasha Turkiga
Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in dowladda ay iscasisho kaddib shil ka dhacay goob dhuxusha laga qodo.
Ilaa haatan 274 ruux ayaa meydkooda laga soo saaray goobta oo ku taalla deegaanka Soma.
Ururrada shaqaalaha ee Turkiga ayaa ku baaqay shaqo joojin, iyagoo ka cabanaya sida ay dowladda u maaraysay waaxda macdanta ee dalkaas.
Mucaaradka oo eedeeyay Erdogan
Boqollaal qaraabo la ah dadka ka shaqeynayay goobta macdanta laga qodo oo walwalsan ayaa ku soo ururay meel u dhow meesha laga qodo macdanta.
Ra’iisalwasaare Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay, in dareenkiisa uu la jiro dadka ay saameysay musiibada.
Xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga ee Republican People’s Party ayaa sheegay in dowladda ay qaadayso mas’uuliyadda waxa ay ku tilmaameen musiibada weyn ee ka dhacday goobta laga qodo macdanta ee Soma
Kooxaha gurmadka ayaa ku howlan si ay u soo badbaadiyaan dadka weli ku xayiran dhulka hoostiisa.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Muqdisho/Soomaaliya/Office.